“Abtirsiimo Aanaan Hubin Reer Kuma Rari Karno, Puntlandna Waxaan Leeyahay Been Nooma Sheegi Kartaan”

0
325

Hargeysa (Dawan)- Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ugu baaqay dadka dhaliilay heshiiska ay Somaliland iyo Khaatumo wada galeen in ay ku soo darsadaan wixii talo iyo tusaale ah ee ay hayaan, balse aanay caadifad leh aanay uga qaylin warbaahinta.

Cali Khaliif waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in heshiiskani uu dan u yahay bulshada ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo dhammaan ummada reer Somaliland, waxaannu fariin adag u diray dadka soo jeeda gobolladaas ee warbaahinta ka dhaliilay go’aankaas, waxaannu  xusay  in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo talo ku soo biiranaysa heshiisyadaas.

Hoggaamiyaha Khaatumo waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad sagootin ah oo ay xukuumaddu u samaysay isaga iyo weftigiisi oo shalay u baqoolay magaalada Widhwidh, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, ”Waxaan rabaa inaan waxyar ka idhaahdo heshiiskan ay galeen Somaliland iyo Khaatumo, heshiiskaa waxaan qabnaa in uu yahay mid dan u ah ummada ku dhaqan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo ummadda kale ee reer Somaliland oo dhanba, isla markaana ay dantoodu ku jirto, waxaannu qarsanaynana maaha, qaar baa iyada oo aan khadkiiba qalalin iyaga oo ku nool iyaga iyo caruurtoodu dalka dibadiisa intay qawlalada ka soo xunbeeyaan odhanaya iyagoo kor u dhawaaqaya Somaliland ayaa la inaga iibinayaa, war waa been, war heshiiskan waa kooban yihiin qodabadiisu, waxaanuna u aragnay dan, welina waa wax miiska yaalla,  ee ciddii haysa wax kale oo aanu ku bedelno war haad burhaanak waanu kula sugaynaaye la kaalay qol madaw halaa geline”,

Cali Khaliif  waxa kale oo farriin adag uga diray bulshada ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, waxaanu yidhi ”Waxaan rabaa inaan u mahadnaqo wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee jamhhuuriyada Somaliland Sacad Cali Shire, sida ay wasaaradiisu xilka isaga saartay ka midho dhalinta heshiiskan oo ka soo qabsoomay Caynaba, Addis Ababa, Jabuuti, iyo Hargaysa, sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo isagu baal-dahab ah kaga jira wada-hadalkan, mar walbana nabad raadinta iyo islaaxa, aan marna ka nasan, waxaana Illaahay uga beryayaa inuu ka jaa’iso mariyo isaga iyo intii halkan soo gaadhsiisay ba, waxa kale oo aan u mahad naqayaa bulshada reer Hargeysa ee sida diiran noo soo dhawaysay aniga iyo weftigaygiiba, waynuna guulaysan doonaa, idamka Illaahay, waxa kale oo aan iyagana halkan uga mahadnaqayaa guddidii wada-hadalka ee todobada xubnood ahaa oo aan filayo inay ku sugan yihiin halkan caawa saddex ka mid ahi.”

”Waxaan rabaa inan waxyar ka idhaahdo heshiiskan ay galeen Somaliland iyo Khaatumo, heshiiskaa waxaan qabnaa in uu yahay mid dan u ah ummadda ku dhaqan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo ummadda kale ee reer Somaliland oo dhan ba, isla markaana ay dantoodu ku jirto, waxaanu qarsanaynana maaha, qaar baa iyada oo aan khadkiiba qalalin iyaga oo ku nool iyaga iyo caruurtoodu dalka dibadiisa intay qawlalada ka soo xunbeeyaan odhanaya iyagoo kor u dhawaaqaya Somaliland ayaa la inaga iibinayaa, war waa been, war heshiiskan waa kooban yihiin qodabadiisu, waxaanuna u aragnay dan, welina waa wax miiska yaalla,  ee ciddii haysa wax kale oo aanu ku bedelno war haad burhaanak waanu kula sugaynaaye la kaalay qol madaw halaa geline”, ayuu yidhi hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, waxaanu intaasi raaciyay “waxaan mar labaad ku celinayaa in heshiiskanu uu kooban yahay, wakhti inagu filan oo aan kaga boganana waan haysanaa ee qolyihiinna warbaahinta ka dhawaaqaya ee u dhashay goboladaasow ku soo dhawaada, anagu waan ambabaxaynaa, deegaankiina waa tegaynaa ,inaan kula wadaagno aragtidaadana waxaanu u nahay diyaar, waana isu imanaynaa, waynuna heshiinaynaa ee wax laga xishoodo ayaa jiree war xishooda oo isu keen keena in laga qayliyo warbaahinta laga wanaagsane”

Cali Khaliif Galaydh waxa kale oo uu farriin adag u daray maamul goboleedka Somaliya ee Puntland, waxaanu yidhi “Heshiiskan  hadda waxaaba sugan oo jira dad u soo anbabaxay oo u soo tafaxaytay oo u hub urursaday oo u ciidan urursaday, war kuwaana waanu aragnaa, anigu waxaan leeyahay Puntland war galkacayo ayaa u baahan inaad ku hawshootaan, inaad dagaal kaga jirtaana cid walibana waad aragtaan, anagana waxaad noo haysaan oo aad nagu dhaantaan ma aragno, nin la odhan jiray Abraham ayaa laga hayaa oo madaxweynayaashii Maraykanka soo maray ummadda mar iyo laba been waa loo sheegi karaa, war anaga been intaa ka badan  nooma sheegi kartaan  ee umadiina dhaxal xumo ha uga tegina,  war Buurawadal ma dhisan kartaan idinka yeeli mayno, waar buhodle shir kuma qaban kartaan idinka yeeli mayno, war abtirsiimo aanaan hubin reer kuma rari karro.”

Waftigan uu hogaaminayo Prof. Cali Khaliif Galaydh oo iskugu jiray wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo xildhibaanno ka tirsan kooxda Khaatumo, ayaa shalay ka amba baxay magaalada Hargeysa, waxaanay isla shalayba gaadheen magaalada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply