Ku-simaha Madaxweynaha oo Soo Gunaanaday Tartanno Ciyaareed oo ka Socday Hargeysa

0
377

Hargeysa(Dawan)- Madaxwayne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha madaxwayanaha Somaliland,  ayaa shalay galab ka qaybgalay munaasibad lagu soo gabogabaynayay tartanno  ciyaareed oo  bisha Ramadaan ka socday qaar ka mid ah garoomadda kubbadda cagta, isagoo madaxweyne ku xigeenku ka qayb galay kuwii ka garoomada Xawaadle iyo 31 May.

ku-simaha madaxwayanaha ayaa gunaanadkii munaasibada halkaasi koobab ku gudoonsiiyay kooxihii ku guulaystay tar-tanka bisha barakaysan ee rammadaan kuwaas oo kala ahaa kooxda dhammays oo iyagu ku guulaystay tartanka garoonka Xawaadle isagoo madaxwayne ku-xigeenku bilado iyo shahaado sharafyo ku maamuusay ciyaaryahanadii halkaasi ku ciyaarayey.

 

Dhinaca kale, waxa madaxweyne ku-xigeenka iyo xubno xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE isugu jirey oo la socday ayaa u daawasho tageen ciyaar kama dambays ahayd oo ka dhacday garoonka 31-ka May, taas oo dhexmartay kooxaha Somaliland Horn Group iyo Shacabka, waxaana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey dadweyne tiro badan oo daawashada ciyaarta ka qaybgalay.

Gebo-gebadii ciyaarta ayey guushu raacay kooxda Shacabka, waxaana koobkii ay ku guulaysteen oo uu hore xisbiga KULMIYE u dhigay guddoonsiiyey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, isaga oo ciyaaryahannadii kaalinta labaad galayna ku hambalyeeyey dedaalka iyo kartida ay muujiyeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply