Qofka oo Arka ama Eega Meel Cagaaran (Akhtar Ah) Waxay u Fiican Tahay Caafimaadkiisa

0
376

Saynisyahano u dhashay wadanka Ingiriiska ayaa daraasad ay soo saareen ku sheegay in qofka oo eega  meel Akhtar ah ama Cagaar ah ay ka qayb qaadato caafimaadkiisa, gaar ahaana dhinaca indhaha , waxaanay intaasi ku dareen in ay  ka qayb qaadato degitaanka nafta oo dareenta jawi ka duwan ka ay dareento marka ay meesha cad aragto.

Kooxdan ayaa dedaal badan u sameeyey sidii ay u ogaan lahaayeen xidhiidhka ka dhexeeya marka uu qofku ku nool yahay meel cagaar ah iyo marka uu ku nool yahay meel aan idhaha u fiicnayn oo cagaarku ku yar yahay , gaar ahaan dooga iyo dhirta dhaadheer ayay sheegeen inay yihiin waxyaalaha ay inta badan siinayeen muhiimada gaarka ah, iyaga oo eegaayey sidoo kalena waxyaalaha u dhexeeya cagaarkaasi iyo caafimaadka qofkaasi.

Sidoo kale kooxdani waxay baadhitaan balaadhan ku sameeyeen waxyaalaha u dhexeeya degaanka iyo cilmi nafsiga oo ay inta badan adeegsanayeen ka hor intii aanay gelin tijaabooyinkii ay dadka ku samaynayeen, taas oo si weyn uga caawisay daraasadan intii ay dhexda kaga jireen, siday ku daabaceen wargeyska lagu magcaabo Environmental Science and Technology.

Cilmibaadheyaashan ayaa tilmaamay in meel cagaaran oo la maro sidoo kalena lagu noolaadaa ay nolosha qofka wax badan ka bedesho, iyada oo laga yaabo inuu qofkaasi ku noolaado nolol raaxo iyo deganaan ah marka uu joogo meelo cagaarku ku badan yahay, siday sheegeen kooxdan daraasada wadey, inta badan waxay is barbar dhigeen intii ay dadka ku samaynayeen tijaabooyinka dadka meelaha miyiga ah ku nool iyo kuwa magaalada ku nool oo ay sheegeen inay kala nolol fiican yihiin ,sidoo kalena ay kala cimri dheer yihiin.

“waxaanu helay in kooxo badan oo ah kuwa ku guulaysta kaadhka loo yaqaan Lottery-ga oo gaadhaaya amaba ka badan $500,000 lacag ahaan ay yihiin kuwa ugu farxada badan ,waxaa laakin ka farxad badan dadka inta badan sida dabiiciga ah ugu nool meelaha cagaarka ah ,iyada oo dadkaasi dalka yimaada ee ku yimaada lottery-gu marka dambe la kulmaan dhibaatooyin badan ,laakin dadka cagaarka ku nooli waxay inta ugu badan nolol ahaan ku noolaadaan farxadaasi”.sidaasi waxa yidhi Mathew White oo ah mid kamid ah madaxda xarunta caafimaadka iyo Degaanka Yurub.

Kooxaha sameeya cilmibaadhista dalkasi Ingiriiska ayaa ah kuwo samaynaayey daraasado kala duwan oo la xidhiidha midabada kala duwan ,waxaana la samaynaayey,daraasadahan oo kale muddo dheer oo ka soo bilaabantay sannadkii 1991 kii.

 

 

Leave a Reply