Cabitaanka Coffee-ga oo la Ogaadey Inuu Awood Siiyo Maskaxda Bani’aadmiga

0
365

Daraasad cusub oo ay sameeyeen khubaro ka socotay jaamacada lagu magcaabo Johns Hopkins University ayaa lagu sheegay in kafeegu maskaxda awood weyn siiyo, gaar ahaana marka ay dadku si joogto ah u cabaan Bunka.

Daraasadan ayaa natiijo laga soo saaray lagu sheegay in markii la sameeyey tijaabooyink badan oo kala duwan la ogaadey in kafeegu awood badan siiyo maskaxda, iyada oo daraasadan intii lagu guddo jiray dad badan lagu sameeyey tijaabooyin kala duwan, gaar ahaana dad tiro ahaan noqonaaya ilaa 160 qof kuwaas oo aan si joogto ah u cabin 24-ka saacadood iyo kuwo saacado ka yar caba intaba .

Waxaana dadka ka qayb gelaayey loo qaybiyey laba kooxood kuwaas oo qaar kamid ah la siiyey malqacado kafee ah, iyada oo kooxda labaadna aan la siin wax Coffee ah, madaama tijaabadaasi lagu samaynaayeyna si joogto ah loola socday hadba siday hawluhu u socdeen, waxaana booqanaayey khubarradaasi .

Dadka ka qayb qaadanaayey daraasadan ayaa ahaa kuwo la tijaabinaayey candhuuftooda ,iyada oo laga eegaayey isbedelada ku yimaada iyo waxyaalaha u dhexeeya labadaasi koxood ee la siiyey Cofee ga iyo kuwa aan la siin intaba, iyaga oo kadibna weydiiya waxyaalo kala duwan si ay u ogaadaan waxyaalaha u soo kordhay iyo waxyaalaha aan soo kordhin.

Shan daqiiqo kadib dadkaasi la siiyey coffee-ga waxa haddana la siiyaa 200 milligram oo Coffee ah, iyada oo la siiyey waqti dheeraad ah oo ay qaadan karan ama cabi karaan coffe-gaasi, taasina waxay ahayd hab kale oo la doonaayey in lagu kala ogaado dadkaasi waxyaalaha ay ku kala duwan yihiin .

Maalintii ku xigtay waxa la tijaabiyey labadii koxood ee lagu samaynaayey tijaabada iyada oo la aqoonsaday in aanay isku awood ahayn maanta oo ah maalinta la samaynaayey tijaabada ugu dambaysa iyo maalintii la bilaabay ilaa maalintii tijaabadii ugu horeysay la sameeyey,taas oo ah lagu ogaadey inuu jiro farqi weyn oo u dhexeeya labadaasi maalmood ,sidoo kalena ay  si fudud uga soo bexeen imtixaankii la mariyey kooxdii qaadan jirtay Coffee-gu halka kuwii kalena ay sidoodii hore ahaayeen.

“qaar badan oo kamid ah kooxdii lagu samaynaayey tijaabadan ,gaar ahaana kuwii la siiyey Coffee-gu waxay ahaayeen kuwo awood u yeesha inay si fiican u kala saaraan waxyaalo badan ,gaar ahaan sawiro aanu ku imtixaamaynay oo ahaa kuwa aanu doonaynay in aanu ku kala saarno ,waxaana jirtay in markii hore ay si khaldan u sameeyeen ,sidoo kalena u sheegeen ,laakin markii dambe waxay si sax ah u sheegeen sawiradaasi la isku hagaajinaayey “.sidaasi waxa yidhi qaar kamid ah kooxdaasi samaynaysay tijaabada oo la hadlaayey wargeyska lagu magcaabo Nature Neuroscience oo uu wargeyska Dawan ka soo xigtay.

“Markii Coffee la qaato lana isticmaalo waxa uu keenaa in qofku si fiican oo ah habka togan u fikiro, taas oo kobcinaysa maskaxdiisa oo kor  u qaadaysa hababka fikir ee qofku u fikiraayo, waana mid wanaagsan oo la doonaayo in loo dhaqmo ,si taasi u fiicnaato oo dadku u fikiraan”, sidaas waxa yidhi Professor Michael Yassa oo ahaa madaxa kooxdan wadey daraasadan.

“waxa daraasadani soo jeedinaysaa  in qaadashada 200mg oo Coffee ah in ay faa’ido u lee dahay dadka ,iyada oo ay si weyn u kala duwan yihiin dadka caba Coffee-ga iyo kuwa aan cabini, waana waxyaalaha ugu badan ee ka soo baxay daraasadan”, sidaasi waxa yidhi Professor Yassa.

Daraasadan ayaa lagu soo afjaray in dadka caba Coffee-gu ay ka duwan yihiin dhinaca fikirka maskaxda iyo koritaankeeda intaba.

 

Leave a Reply