Berbera (Dawan)- Badhasaabka Gobolka Saaxil, Jaamac Axmed Yuusuf, ayaa ka hadlay koontiinar yaalay meel ka baxsan dekedda Berbera oo shalay dab ka kacay, iyadoo hal qof loo xidhay koontiinarka gubtay.
Jaamac Axmed Yuusuf, oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan isagoo joogay magaalada Berbera, ayaa sheegay in koontiinarkaasi oo ay ku jirtay Acid uu dab ka kacay, iyadoo aannu jirin wax khasaare ah oo meelo kale gaadhay.
Badhasaabka Saaxil ayaa tilmaamay in ay sabab u tahay gubashadda koontiinarkaasi heerkulka cimiladda magaalada Berbera oo maalmahan aad u sareeyay, balse aanay jirin wax kale oo sabab u ah kontiinarkan labaad ee gubtay.
“Koontiinar ay Acid ku jirtay oo yaalay meel bannaanka ka ah oo dekedda oo ka baxsan ayaa gubtay. Waxa keenay ama u sabab ah gubshadda koontiinarkaasi cimiladda oo maalmahan Berbera heerkulku gaadhay 48 ilaa 49. (Centi grade) Horeba way uga soo degi jirtay Berbera Acid, hase yeeshee waxaa jirta iyadoo lagu soo shubay Caagii hore ee lagu keeni jiray kuwo aan ahayna waa lagu shubay, Caaga ayaana dalooshamay oo Qiiqa keenay. Wax dab ah ama Olol ah oo kacay ma jirro, laakiin Qiiq ayuunbuu sii daayay,”ayuu yidhi Badhasaabku.
Wuxuu sheegay badhasaabku in aanu jirin wax khasaare kale ah oo ka dhashay dabkaasi, marka laga reebo koontiinarkaasi gubtay, isla markaana dab-demiska dawladda hoose ee Berbera ay ka hawlgaleen bakhtiinka koontiinarka. “Ma jirro wax khasaare ah oo uu keenay, waayo meel cidlo ah ayaabu yaalay koontiinarku. Wax dad ah ama wax allaab ah iyo wax kale oo ay dhibaato ka soo gaadhay ma jirto. Dab-demiska dawladda hoose ee Berbera ayaa gurmadka deminta koontiinarka ka hawl-galay, oo bakhtiiyay”ayuu yidhi badhasaabku.
Waa markii labaad oo muddo todobaad gudihiis ah uu koontiinar ku gubto dekadda Berbera, iyadoo 18-kii isla bishan uu sidan oo kale koontiinar la sheegay in ay Acid ku jirtay uu ku shufbeelay gudaha dekadda Berbera.
Jaamac Axmed Yuusuf, oo aanu waydiinay waxa keenay in laba todobaad wax ka yar ay Berbera ku gubtaan laba koontiinar, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Maya, ma jiraan wax kale oo sababay ama cid loo aanayn karro, waxa keenay waa cimiladaa aad u kuluc. Waayo, dhulku marka uu kululaado waad garan kartaa koontiinarku kulaylku uu keenayo.
Waxaa jirtay in markii hore koontiinaradda ay Acid ku jirto in koontiinarro madhan dusha laga saari jiray, si ay kulaylka uga celiyaan, balse kan maanta lama dul saarin koontiinarro kale oo madhan. Acid-dhan waxaa loo isticmaalaa Baateriyadda baabuurta iyo wershadda Furaashyadda samaysa, waana qalabka ay u isticmaalaan sifaynta”.
Waxa kale oo uu sheegay in ay hal qof loo xidhay koontiinarkii shalay gubtay, kaasi oo ah ninkii mukhalaska u ahaa shirkadda leh koontiinarka. “Ma jirto cid gubashadda ku lug leh oo loo xidhay, ninkii soo dejiyay koontiinarka dayac uu muujiyay oo koontiinaradda marka la soo dejiyo ee markabka laga roggo, calaamad ayaa lagu dhejiyaa, meel gaar ah ayaana la dhigaa, koontiinaro kale oo madhan ayaana dusha laga saaraa, si aanay kulaylka cimiladu ugu dhicin, markaa calaamadii kumuu dhejin.
Markaa dayacaa uu sameeyay ayuunbaa loo xidhay, waa ninkii mukhalaska ka ahaa shirkadda leh koontiinarka ee dekadda u joogay, ee uu ganacsadaha leh u soo dirtay. Markaa mukhalaska ayaa looga baahan yahay in uu sheego cida leh ee u soo diratay”ayuu yidhi Jaamac Axmed Yuusuf.
Dhinaca kale badhasaabka gobolka Saaxil, waxa uu ka hadlay hal qof oo la sheegay in uu ku dhintay badda Berbera maalintii labaad ee ciidul-fidriga, halka afar kale-na ay soo bad-baadiyeen ciidamadda amaanka ee loogu tallo galay in ay ilaaliyaan badda maalmaha ciidaha.
Wuxuu sheegay in ay maalmihii ka horeeyay ciida warbaahinta ka sheegeen digniino ay dadka ku wargelinayeen in baddu ay kacsan tahay, isla markaana ay khatar ku keeni karto dadka malmaha ciidaha u dabaal tagga.
Waxaanu yidhi “Waa dog tahay oo maalmaha ciidaha waxaa Berbera yimaadda ciyaal iyo dad dalxiis ah oo isaga kala yimaadda, magaalooyinka Burco, Boorama, Hargaysa iyo meello kale oo u dabaal yimaadda badda. Waxaa jirtay in ciidamadda u tababaran ilaalinta amaanka dadka badda ku dabaalanaya ay heegan ku jireen, meelala lagu dabaasho oo dhana way ilaalinayeen.
Hase yeeshee waxaa jiray, ciyaal meel kale kaga dhacay Badda kuwaas oo markii baddu liqday ay ciidamadu ka hawl-galeen. Mid ayaa ku dhintay, afar kale-na waa la soo bad-baadiyay”.
Dawannews Hargeysa office