Guddoomiyaha UCID oo Inan La-yaal ku Tilmaamay Madaxweynaha Soomaaliya

0
310

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID,  Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa ka digay in laga feejignaado qorsheyaal ka dhan ah Somaliland oo ay maleegayso dawladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Faysal Cali Waraabe wuxuu sidaas ka sheegay   hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu xusayay 26 June oo ah sannadguuradii 57-naad ee ka soo wareegtay markii   Somaliland xoriyada ka qaadatay  Ingiriiska  sannadkii 1960-kii, waxaanu soo jeediyay in loo midoobo mucaarad iyo muxaafidba sidii dalka loo ilaalin lahaa,   waxaanu xusay in midnimo lagaga adkaan karo cadawga Somaliland.

Guddoomiyaha UCID, waxa kaloo   uu naqdiyay   idaacadaha BBC-da  iyo VOA-da oo  ku eedeeyay in ay barobagaando ka sheegaan Somaliland. Waxaa   uu soo jeediyay in dacwad ka dhan ah   loo gudbiyo dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ee kala leh labadaas idaacadood.

 

“BBC-da iyo VOA-du  olole ayay innagu wadaan ciyaal Laascaanood jooga ayay su’aalo waydiinayaan oo leh  ‘Farmaajo ha noolaado Soomaalidu  waa isku mid waxaas ayay sii daynayaan,waa in arrintaa ka midownaa oo aynu dacwad  u qornaa wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayay hoos timadaa VOA-du,   waana in aynu warqad wada jir ah  ka qornaa,   waa in ay noqdaan idaacado madax-bannaan oo dadka u siman ama in ay noqdaan idaacado Somaliland barobagaando lagaga wado.dalkeennu wuu jiri doonaa waxaanan kaga adkaan karnaa midnimo, mucaarad iyo muxaafidba waxa innaga dhaxeeyaana waa waa ilaalinta qaranimada Somaliland,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

 

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu fariin u diray madaxweynaha Soomaaliya,  waxaannu  yidhi, “Yarkan sida qaladka  ah ku yimid ee ina  Farmaajo  ee  leh Soomaali ma kala qobqobi karaan  koox yari,  Somaliland ayuu u yaqaanaa koox yar, waxaan leeyahay   wax Soomaaliya la yidhaahdaa  ma jirto.  waa qabaa’il madaxweyne leh maalin kasta waxa dhibaato ka taagan waad aragteen,Farmaajo waxa aan leeyahay is hubso Muqdisho haddaan imaado aniga ayaa kaaga magac roon.”

Guddoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas raaciyay; “Anigu magan kuma joogi karo, laakiin adigu magan ayaad ku joogtaa, xididnimo ayaad ku joogtaa  gabadh  ayaad ku qabtaa inan la-yaal  ayaad tahay xishood ayaan ku leeyahay. Somaliland ma garanaysid is afgaran mayno.  taada hagaajiso ayaan ku leeyahay waxaanan   leeyahay aynu reer Somaliland ha  feejignaadaan  waxa innagu socda qorshe xun   oo laynoogu tashaday markaa waa in aynu wax iska celinaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply