‘Somaliland Waxba Kama Sheegi Karo Nin Xamar ka Hadlay oo Afrikaan Ilaaliyo’

0
329

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani),  ayaa ka hadlay qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay Munaasibadda 57 guuradda ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland xornimdeeda ka qaadatay Ingiriiska ee 26-ka June 1960-kii.

Wasiir Caddaani oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyadda Somaliland,  ayaa dawladda Soomaaliya u sheegay in 26-ka June ay tahay maalin Somaliland leedahay waxaannu yidhi, “26-ka June Soomaaliya ma leh ee Somaliland baa leh, waa maalin aynu ka qaadanay Maxmiyadii Boqortooyada Ingiriiska dad reer Somaliland ah baa u dhintay oo naftoodi u huray si ay xor u noqdaan.”

 

Wasiirka oo ka jaawabay sababta ay u weyneeyaan Xuska maalinta 18-ka May ee aannay aad u qiimayn 26  June, waxaannu yidhi; “Somaliland iyo dadkeeda waxa ka gaadhay midawgii Soomaaliya hadday tahay dad ku dhinta caruur ilaa ciroole la xasuuqay ee aad arkaysaa xabaal wadeeradyada  waaweyn ee  markasta soo baxa oo aad arkayso guri kasta iyo daar kasta sida loo burburiyey , Ingiriisku waxaa muu samayn. Haddaanu nahay jiilkii ka danbeeyey Odayaashii Lixdankii Somaliland-nimada wareejiyey, waxaannu leenahay jiilkayagan jooga iyo kuwa soo socdaa dib u dhici mayso calankan intaasi u dhimatay ee dalkaasi u burburay in la wareejiyo.”
 

“Nin Xamar ka hadlay oo ciidan Afrikaan ahi ilaaliyaan Somaliland waxba kama sheegi karo, waa ummada isku tashatay oo walaalo ah, BBC iyo VOA ayaan waxba ka sheegi karin, Soomaaliya waxaan leenahay waar Xamar ka taliya iyo isgoysyadda dhibaatooyinku haystaan , Lowyacadana uma bu’i kartid, Laasqorayna uma bu’i kartid , riwaayada aad dadka madaxda u tihiin ku maawelisaan waa wax iska soo dhammaan doona,”ayuu yidhi Wasiir Caddaani.

 

Wasiir Caddaani waxa uu u digay Idaacadaha BBC-da iyo VOA-da oo baahiya warar dhiig bax ku ah Qaranimadda Somaliland waxaana uu yidhi “VOA-da Iyo BBC-da waan haysanaa oo haddaanu doono waanu saari, wax ay noogu fadhiyaan ma jirto, waxaannu doonaynaa mandaqadan iyo dhulka aan deganahay in aan nabad kula noolanno, mana nihin dad aan fahansanayn waxa ay u soo mareen xornimadan, laakiin waxaan leeyahay lix iyo laabatan-ka June annagaa leh oo awoowayaashayo ku waynay, wax alaale wax Soomaaliya kaga dhintayna ma jiro, 18-mayna annagaa leh oo caruurtayda , hooyooyinkayo iyo abayaashayo ku waynay, dibna mid aan u dhacayn weeye midowgii.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply