Badhasaabka Saaxil oo Dawan Uga Waramay Kontiinarkii Labaad oo Muddo Toddobaad ah ku Gubtay Dekedda Berbera

0
394

Berbera (Dawan)- Badhasaabka Gobolka Saaxil,  Jaamac Axmed Yuusuf, ayaa ka hadlay koontiinar  yaalay meel ka baxsan dekedda Berbera oo shalay dab ka kacay, iyadoo hal qof loo xidhay    koontiinarka  gubtay.

 

 

Jaamac Axmed Yuusuf, oo xalay  telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan isagoo joogay  magaalada Berbera, ayaa sheegay  in koontiinarkaasi oo ay ku jirtay Acid uu dab ka kacay, iyadoo aannu jirin wax khasaare ah oo meelo kale gaadhay.

 

Badhasaabka Saaxil  ayaa tilmaamay in ay sabab u tahay gubashadda koontiinarkaasi heerkulka cimiladda magaalada Berbera oo  maalmahan aad u sareeyay, balse aanay jirin wax kale oo sabab u ah kontiinarkan labaad ee gubtay.

“Koontiinar  ay Acid ku jirtay  oo yaalay meel bannaanka ka  ah  oo dekedda oo ka baxsan ayaa gubtay. Waxa keenay ama u sabab ah gubshadda koontiinarkaasi   cimiladda oo maalmahan  Berbera  heerkulku gaadhay 48 ilaa 49. (Centi grade) Horeba way uga soo degi jirtay  Berbera Acid, hase yeeshee waxaa jirta iyadoo lagu soo shubay  Caagii hore ee lagu keeni jiray   kuwo aan ahayna waa lagu shubay,  Caaga ayaana dalooshamay oo Qiiqa keenay. Wax dab ah ama Olol ah oo kacay ma jirro, laakiin Qiiq ayuunbuu sii daayay,”ayuu yidhi Badhasaabku.

Wuxuu sheegay badhasaabku in aanu jirin wax khasaare  kale  ah oo ka dhashay dabkaasi, marka laga reebo koontiinarkaasi gubtay, isla markaana dab-demiska dawladda hoose ee Berbera ay ka hawlgaleen bakhtiinka koontiinarka.  “Ma jirro wax khasaare ah oo uu keenay, waayo meel cidlo ah ayaabu yaalay koontiinarku. Wax dad ah ama  wax allaab ah iyo wax  kale oo ay dhibaato ka soo gaadhay ma jirto.  Dab-demiska dawladda hoose ee Berbera ayaa gurmadka deminta koontiinarka ka hawl-galay, oo bakhtiiyay”ayuu yidhi badhasaabku.

Waa markii labaad oo muddo todobaad gudihiis ah uu koontiinar ku gubto dekadda Berbera, iyadoo 18-kii isla bishan uu sidan oo kale koontiinar  la sheegay in ay Acid ku jirtay  uu ku shufbeelay gudaha dekadda Berbera.

Jaamac Axmed Yuusuf, oo  aanu waydiinay waxa  keenay in laba todobaad wax ka yar ay Berbera ku gubtaan laba koontiinar, waxa uu ku jawaabay  oo uu yidhi “Maya, ma jiraan wax kale oo sababay ama cid loo aanayn karro, waxa keenay waa cimiladaa aad u kuluc. Waayo, dhulku marka uu kululaado waad garan kartaa koontiinarku kulaylku uu keenayo.

Waxaa jirtay in markii hore koontiinaradda ay Acid ku jirto in koontiinarro madhan dusha laga saari jiray, si ay kulaylka uga celiyaan, balse kan maanta lama dul saarin koontiinarro kale oo madhan.  Acid-dhan waxaa loo isticmaalaa Baateriyadda baabuurta iyo wershadda Furaashyadda samaysa, waana qalabka ay u  isticmaalaan sifaynta”.

Waxa kale oo uu sheegay in ay hal qof loo  xidhay  koontiinarkii shalay gubtay, kaasi oo ah ninkii mukhalaska u ahaa shirkadda leh koontiinarka.  “Ma jirto cid gubashadda ku lug leh oo loo xidhay, ninkii soo dejiyay koontiinarka dayac uu muujiyay oo  koontiinaradda marka la  soo dejiyo ee markabka laga roggo,  calaamad ayaa lagu dhejiyaa, meel gaar ah ayaana la dhigaa, koontiinaro kale oo madhan ayaana dusha laga saaraa,  si aanay kulaylka cimiladu ugu dhicin, markaa calaamadii kumuu dhejin.

Markaa dayacaa uu sameeyay ayuunbaa loo xidhay,  waa ninkii mukhalaska ka ahaa shirkadda leh koontiinarka ee dekadda u joogay,  ee uu ganacsadaha leh u soo dirtay.  Markaa  mukhalaska ayaa looga baahan yahay in uu sheego cida leh ee u soo diratay”ayuu yidhi Jaamac Axmed Yuusuf.

 

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Saaxil, waxa  uu ka hadlay   hal qof oo la sheegay in uu ku dhintay badda Berbera   maalintii labaad ee ciidul-fidriga, halka afar kale-na ay soo bad-baadiyeen ciidamadda amaanka ee loogu tallo galay in ay ilaaliyaan  badda maalmaha ciidaha.

Wuxuu sheegay in ay maalmihii ka horeeyay ciida   warbaahinta ka sheegeen digniino ay  dadka ku wargelinayeen in baddu ay kacsan tahay, isla markaana ay khatar ku keeni karto dadka malmaha ciidaha u dabaal tagga.

Waxaanu yidhi  “Waa dog tahay oo maalmaha ciidaha waxaa Berbera yimaadda ciyaal iyo dad dalxiis ah oo isaga kala yimaadda,  magaalooyinka Burco, Boorama, Hargaysa iyo meello kale oo u dabaal yimaadda badda. Waxaa  jirtay in ciidamadda u tababaran ilaalinta  amaanka dadka badda ku dabaalanaya ay heegan ku jireen,  meelala lagu dabaasho oo dhana way ilaalinayeen.

Hase  yeeshee waxaa jiray,  ciyaal meel  kale  kaga dhacay Badda kuwaas oo markii baddu liqday ay ciidamadu ka hawl-galeen.  Mid ayaa ku dhintay, afar kale-na waa la soo bad-baadiyay”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply