Dalalka Khaliijka oo la Doonayo in laga Hor istaago Hubka khilaafka Qadar Awgii

0
337

Seneter saamayn badan leh oo Maraykan ah ayaa sheegay in uu hor istaagi doono heshiiskii hubka lagaga gadi lahaa dalalka Carbeed ee Khaliijka tan iyo inta ay kala imanayaan “jid toosan” oo lagu xaliyo khilaafka Qadar.

Bob Corker, oo ah gudoomiyaha guddiga Senetka u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa ka digay in waxyeello la gaadhsiiyay dagaalkii lagula jiray kooxda isugu yeedha Dawladda Islaamka iyo waliba wax ka qabashadii xaaladda Iiraan.

Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa jaray calaaqaadkii ay la lahaayeeen Qadar,  iyaga oo sidoo kalana ka xidhay xadkooda dhulka iyo hawadaba, mudddo haatan laga joogo saddex toddobaad.

Waxay Qadar ku eedeeyeen in ay taageerto Argaggixisada iyo Iiraan – laakiin way diiday eedaymahaas.

Jimcihii ayaa Qadar loo soo gudbiyay 13 dalab si loo soo afjaro is mariwaaga, dalabyadaas waxaa ka mid ah in ay Albaabada u laabto warbaahinta Al Jazeera, ayna calaaqaadka u jarto Akhwaanul Muslimiinta ayna hoos u dhigto calaaqaadka ay Iiraan la leedahay.

Afhayeen u hadlay Qadar ayaa sheegay in shuruudahan ay xaqiijiyeen ” in go’doominta sharcidarrada ah aysan wax xidhiidh ah la lahayn la dagaalanka argagixisada – ayna tahay isku day lagu xaddidayo madaxbannaanida Qadar iyo siyaasaddeeda arrimaha dibadda”.

Xayiraadahaas ayaa qas u horseeday dalkaas shidaalka qaniga ku ah, kaas oo ku tiirsan waxyaabo loo soo dhoofiyo si ay dadkeedu u helaan adeegyada aasaasiga ah.

Qadar waxaa ku nool 2.7 milyan oo ruux.

Madaxweyne Trump ayaa markii hore sheegay in uu taageersan yahay talaabada laga qaaday Qadar, inkastoo uu dalkaasi hoy u yahay ciidammada ugu badan ee Maraykanka ka jooga Bariga Dhexe.

Laakiin Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Rex Tillerson, ayaa qiray Axaddii in qaar ka mid ah dalabyada ay soo gudbiyeen dalalkaasi ay dariska yihiin ay “adkaan doonto in la helo” wuxuuna ku baaqay wadahadal xal lagu gaadho.

Waraaq uu Corker u diray Tillerson Isniintii ayuu ku sheegay in uu aad ugu farxay kulankii dhawaan  ee Trump uu ku tagay Sacuudi Carabiya halkaas oo uu kula kulmay Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Xisbiga Jamhuuriga ayaana lala wadaagay in madaxweynuhu uu lixda dal ee Khaliijka oo Qadar ay ku jirto uu kula heshiiyay “in ay gacan ka gaystaan yaraynta khilaaafaadka gobolka” ayna yeeshaan iskaashi wayn oo dhanka ammaanka ah”.

“Nasiib darroso dalalkii Khaliijku ma aysan ka faa’iidaysanin kulankaas ee taas badalkeeda waxay doorteen in ay khilaafka sii baahiyaan,” ayuu intaas ku sii daray.

 

“Dalalka gobolka oo dhan waxay u baahan yihiin in ay wax wayn ka qabtaan la dagaalanka argagixisada, laakiin murankii u dambeeyay ee soo kala dhexgalay dalalka Khaliijka wuxuu curyaaminayaa oo kali ah dadaaladii lagula dagaalamayay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyo kuwii lagu xakamayn lahaa Iiraan.

“Sababahaas daraadood waxaan u baahannahay in aan fahan fiican ka helno habka lagu xallinayo khilaafka Khaliijka soo kala dhexgalay ka hor inta aanaan fasax dheeraad ah siinin hubka iyo qalabka milatari ee laga iibinayo dalalka Khaliijka.

Sharciga Maraykanku wuxuu dhigayaa in ay waajib tahay in Kongresska si rasmi ah loola wadaago macluumaadka 30 maalmood ka hor inta aan dal ajnabi ah laga gadin hub, taas oo wakhti siinaysa haddii ay rabaan in ay hor istaagaan.

Leave a Reply