Taariikhda Xukunada Keligii Taliyaha!

0
392

Madaxda Xukunka jecel ee keligood taliya ah  ayaa ah kuwo macan-gag ah oo si waali ah u maamula dadkooda iyo dalkooda,  kuwaasi oo ugu danbaysta keenta inay noloshooda galaafato.

Madaxweyne Francisco Macías Nguema waa madaxweynihii u horeeyay ee dalka Equatorial Guinea oo ku yaalla galbeedka Afrika. Nguema wuxuu  dhacay saddex jeer imtixaankii Machadka shaqaalaha (Civil Service),  markii uu dhiganayay inkastoo haddana gumaystihii Spanish-ku uu ka dhigay maayarkii caasimadda Mongomo, markii danbe uu noqday xubin ka mid ah baarlamankii maxmiyadii uu Spanish-ku xukumayay ee Equatorial Guinea.

sanadkii 1964-kii  wuxuu  noqday ra’iisalwasaaraha   xukuumaddii maxaliga ahayd ee Spanish-ku ka dhisay dalka uu gumaysan jiray.

Laakiin sanadkii 1968-kii  ayuu noqday madaxweyne  markii uu xornimada qaatay dalkiisu.

Mudadii uu xilka hayay waxa lagu tiriyaa inuu ahaa nin waalan oo xubno badan oo qoyskiisa ah  ayuu dilay iyo madax sare,  taasi oo dad badan u muujisay waalida maskaxda ee uu qabay.

Waxa uu xidhay dugsiyada iyo cusbitaalada dalka, waxaanu joojiyay daawooyinka debeda laga keeni jiray. Waxa kale oo uu mamnuuc ka dhigay goobaha cilaajyada iyo sida dabiiciga ah wax u daweeya.

Waxa kale oo intaasi dheera isagoo dadkii si cad ugu sheegay inuu isagu yahay ka leh oo ay yihiin adoomadiisa.  Waxa kale oo uu dalka ka mamnuucay in la keeno batroolka iyo qalabka kale ee dabka dhaliya.

Ninkan ayaa keligii raashinka cuni jiray isagoo isla sheekaysan jiray marka uu keligii yahay ee uu raashinka qaadanayo, qoyskiisuna way ka baqan jireen.  Bishii August 1979-kii  ayaa afgembi xukunka lagaga  tuuray,  kaasi oo uu hogaaminayay Teodoro Obiang Nguema Mbasogo oo hore u ahaa taliyaha ciidamada iyo wasiir ku xigeenka ciidamada isla markaana  adeer u ahaa, oo walaalkiina uu ka mid ahaa xubnihii qoyskii uu dilay.

Waxaana maxkamad la saaray September,   taasi oo ku riday xukun dil ah oo lagu fuliyay isla bishii September  sanadkii 1979-kii.

 

 

Leave a Reply