Ku-simaha Madaxweynaha oo ka Hadlay Ahmiyadda uu Somaliland u Leeyahay Heshiiska Lala Galay Cali Khaliif

0
390

Hargaysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo uu wax ugu dhimay qarannimada Somaliland.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo hadal ka jeediyay munaasibad habeen hore lagu qabtay madaxtooyada Somaliland oo lagu xusayay 57 guuradii ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland xoriyada ka qaadatay Ingiriiska oo ku beegnayd 26-kii June sannadkii 1960-kii, waxaa uu u soo jeediyay dawladda Soomaaliya in ay ixtiraamaan gooni isu taaga Somaliland oo ku yimid rabitaanka shacabka, isla markaana ay ka waantoobaan hadallada deelqaafka ah ee ay caadaysteen ee ay ku sheeganayaan Somaliland. Waxaannu xusay in aanay ahayn mid laga noqonayo qaranimada Somaliland.

 

“Waa maalin wayn, waana maalin aad innoogu qiimo badan, waana maalin mudan in aynu qiimayno oo aynu xusno, waa maalintii aynu xoriyada ka qaadanay dawladdii  Ingiriiska, toddoba iyo konton guuradii ka soo wareegtay 1960-kii, halgan dheer ka dib waxa lagu guulaystay 1960-kii in Ingiriisku calankiisii ka laalaabto dalka Somaliland, waxaa Illaahay qadaray xoriyadii qiimahaa lahayd ee aynu dhibaatada badan u soo marnay in ay si dhib yar isugu biiraan Somaliland iyo Soomaaliya,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku, waxaannu intaas ku daray; “Sannadkii 1960-kii ka hor, waxaannu kala ahayn laba dal oo laba gumaysi ay kala xukumi jireen, Ingiriiska iyo Talyaaniga. Kadib na saluug ayaa dhacay waxaana xoriyadii la soo noqonay 1991-kii 18-kii bishii May, markaas ayay ummada Somaliland mar labaad goosatay in xoriyadii ay ula tageen Soomaaliya ay la soo noqdaan. taasina waa mid ku timid rabitacaan shacab mid laga noqonayana maaha, Maanta cid u fadhidaana yaanay jirin kumaynu khasaarin xoriyadaa aynu la soo noqonay Soomaaliya maanta dhibaatada haysata waa uga ducaynaynaa waa dad walaalaheenna oo muslim ah, mar walbana waxa aannu diyaar u nahay in wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya sii socdaan iyadoo ujeeddaduna tahay in ay laba dal kala noqonno oo kala ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo danahooda ka tashadaan oo laba  dal oo walaalo ah aynu ku heshiinno oo danahooda ka tashadaan innaguna danaheenna ka tashano.”

 

“Soomaaliya waxa aad moodaa in ay ahaayeen dad ina qabsaday umana dhaqmaan in aynu ahayn laba dal oo isku tagay oo walaalo ah mar walbana waxa ay ku hadaaqayaan hadalo laaqiya iyaga oo aan Muqdisho ka talin mar walbana waxa ay ku hadaqayaan Lawyocado ayaan ka talinaa waana nasiib darro. waxaanan leeyahay dhallinyarada Soomaaliya loo doortay ha marina jidkii ay ku halaabeen kuwii ka horreeyay, duniduna horumar ayay gaadhay, qof walbana waa lagu ixtiraamaa ra’yigiisa, ummada reer Somaliland go’aanka ay qaateen waa in ay ku ixtiraamaan oo ay danahooda ka tashadaan weeye. dawladnimo maanta waynu haynaa, ummada reer Somaliland waxa aan leeyahay inta aynu ixtiraamayno qabiilka iyo nin jeclaysi qaran dhisi mayno qaranimo, waxa aynu ku dhisi karnaa innagoo qabiilka iska dhigna waxa aynu u baahanahay in aynu ka baxno qob-qobka, qabiilka iyo nin jeclaysiga, waana mushkilad ina wada saaaran, sidii madaxweynaha Somaliland u balanqaaday ee uu gogosha ugu fidiyay ciddii wax tabanaysa gogashii waa fidsan tahay, Cali Khaliif oo ah muwaadin reer Somaliland ah heshiis hordhaca ayaa lala gaadhay, taasina waxa ay keenaysaa qaranka Somaliland oo dhammaystiran maantana wax innaga maqani ma jiro.”

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu hambalyo u diray dalka Jabuuti oo shalay u dabaal degay sannad guuradii afartanaad ee ka soo wareegtay maalintii ay xoriyada ka qaateen dalka Faransiiska, waxaannu  yidhi; “Waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa Jamhuuriyadda Jabuuti oo iyaduna caawa (habeen hore) ku beegan sannad guuradii afartanaad oo ku beegan maalintii ay xoriyada ka qaateen dalka Faransiiska aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynayaa toodiina kumay qasaarin waxaana aan leeyahay madaxweynaha Jabuuti iyo shacabkiisa waxa idiin soo gudbinaynaa aniga oo ka wakiila ummada reer Somaliland hambalyo ayaan idiin soo gudbinaynaa.”

Ugu dambayn, waxaa xafladaas lagu soo bandhigay bandhig faneed aad loo jeclaystay oo Fanaaniinta qaranka ee Wasaaradda Warfaafintu soo diyaariyeen oo ka hadlaysay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland u soo mudatay xoriyadda ay maanta shacabka reer Somaliland ku naaloonayaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply