Xukuumadda Somaliland oo Caddeysay Inay Xulafada Sucuudiga Kala Mowqif Tahay la Dagaalanka Argagixisada

0
294

London(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay inay dalalka carabta ee Sucuudigu hoggaaminayo ay u taageertay oo ay kala mowqif tahay la dagaalanka argagixisada caalamiga ah.

Sidaasna waxa sheegtay  Danjiraha Somaliland u fadhida Ingiriiska, Marwo Ayaan Maxamuud Cashuur oo waraysi siiyay wargeyska  Mangiatori Di Cervello ee  ka soo baxa dalka Talyaaniga, waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:-

Waa maxay xidhiidhka Somaliland la leedahay wadamada Yurub, ma leedihiin wakiilo caalamka?

Qaarada Yurub, Somaliland waxay wakiillo ku leedahay Ingiriiska, Faransiiska, Belgium, Norway, iyo Sweden. Waxa jira heshiisyo caalami ah oo waddamadaasi la leeyihiin Somaliland. Sidoo kale, Denmark waxay xafiis ku leedahay Hargeysa, dalal  badan ayaa xidhiidho dhow la leh Somaliland, kalana xidhiidha xafiisyadooda Addis Ababa iyo Nairobi.

Ma jiraa xidhiidh aad wadaagtaan waddamada Afrika, gaar ahaan Itoobiya?

Somaliland xidhiidh wanaagsan ayey la wadaagtaa dalalka Afrika, oo heshiisyo is-afgarad la wadaagto, dhinacyada amaanka iyo ganacsiga. Somaliland waxay rajaynaysaa inay horumariso dekedda Berbera iyo dhismaha wadadda Berbera.

Waxaan doonaynaa inaan kursi joobgoognimmo ku yeelano oo ku biirno Midowga Afrika, iyo ururrada kale caalamiga ah ee qaarada, lana yeelanno iskaashi waxtar ah waddamada Midowga Yurub.

Dhowaan xiisada waddamadda carabta, Somaliland waxay la mowqif noqotay Sucuudiga, maxaa keenay go’aanka, haddii Qatar caawiso ururrada bulshada dalkiina?

Dalkayagu wuxuu aaminsan yahay in xiisada taagan lagu dhameeyo hab saaxiibtinimo. Umaanu diidin ururrada Qatar inay dalkayaga ka fuliyaan mashaariicda. Mowqifkayagu wuxuu la xidhiidhaa iskaashiga aanu wadaagno xulafada ee la xidhiidha argagxisada. Waxa kaloo mowqifkayagu la xidhiidhaa madaxbannaanida dalkaygu u  leeyahay hawadiisa.

Maadaama Soomaaliya cunaqabatayn hub saaran yahay, miyaanu heshiiskii dhowaan dhexmaray Somaliland iyo Imaaraadka carabta ka hor imanayn shuruucda caalamka, haddii Somaliland weli loo arko qeyb ka tirsan Soomaaliya?

Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta lama xidhiidho iibisga hubka iyo helitaankeeda. Waxa muhiim ah inaan caddayno in dalkayagu xaq u leeyahay difaacida xuduudkiisa, waxaannu wadaagnaa xidhiidh fiican guddiga cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply