Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay in qaadhaan-bixiyeyaasha caalamku ay la yaabeen markii ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo si buuxda u balanqaaday inay dabarayso afarta milyan ee doolar ee ku baxaya doorashadda madaxtooyada ee muddaysan 13-ka November ee sannadkan.
Guddoomiyuhu waxa kaloo uu sheegay in seerfarka lagu kaydiyo macluumaadka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ay gacanta ku hayn doonaan muwaadiniin u dhashay Somaliland, halkii uu markii hore seerfarku ooli jiray waddanka Kenya.
Cabdiqaadir Iimaan, wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay suxufiga weyn ee Faysal Fadhfadhle oo ka tirsan Universal TV, waxaannu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyay inay ku dhiiratay inay bixiso kharashka doorashadda oo dhan.
“Qaadhaan bixiyeyaashu may filaynin in xukuumaddu bixin karto kharashka ku baxaya doorashooyinka iyo diwaangalinta waxay is lahaayeen halkaas Somaliland kaga taga oo ku baabiiya oo Xamar hala caawiyo oo doorashada Soomaaliya ee makhsinka yar la iskugu yimaado inta 2000 oo qof lagu ururiyo ee maalinta qudha la codaynayo, doorashadeennu sida ay u qabsoontaa way ku yar tahay Afrika in doorasho noocaas ahi ay ka dhacdo oo qof kasta geed hoostii loogu tago oo la diwaangaliyo,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Cabdiqaadir Iimaan, waxaannu intaas ku daray; “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dawladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo sidii ay ugu dhiiraadeen, markii ay arkeen xaaladdu halka ay taagnayd in uu yidhaahdo madaxweynuhu annagaa iska bixinayna kharashka ku baxaya doorashooyinka iyo diwaangalintaba, waxaanay xukuumaddu bixisay lacagtii kaadh qaybinta, lacagtii doorashadda oo afar Milyan oo doolar ahna laba milyan ayay bixisay, labada milyan ee hadhayna waxay bixinaysa Wasiirka Maaliyadu toddobaadka ugu horeeya ee bisha August.
Markaa innaga ayaa isku tashanay waxaana ay gayaysiisay qoloooyinkii dhabarka inoo soo jeediyay inay dib u soo noqdaan oo ay yidhaahdaan wax wayn ayaad qabsateen oo ay ku qancaan in aynu arrintan innaga go’an tahay waxaannu u caddaynay Safiirkii Maraykanka ee dhawaan dalka yimmi in doorashada iyo kharashka ku baxaya annagu iska bixinayno oo aanu isku tashanay.Kenya oo inoo dhowi iskama bixin karto lacagta ku baxaysa doorashada waana laga kabaa.”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi; “Waxaannu dejinay nidaam ah imika wixii ka danbeeya inaanay lacag badani ku baxaynin doorashooyinka, Seerfarka xogta lagu kaydiyaa wuxuu ooli jiray Kenya,waxa maamuli jiray ajanabi, maanta waxa gacanta ku haya dad Somaliland u dhashay innaga ayaa gacanta ku hayna waana mishiin kala hufaya dadkii isdiwaan-galiyay.
kaadhka diwaangalinta waa kaadh adag oo aad u qiimo badan oo aan la foojari garayn karin haba yaraatee waxaannu jirayaa muddo loogu talogalay, markaa mar danbe ma dhici doonto in diwaan-galin kharash badani innagaga baxo.waxa jiri doonta marka 6 bilood ka hor maalinta doorashada sida doorashadda Baarlamaanka ee soo socota iyo doorashada goleyaasha deegaanka dadkii qaandhaadhka noqday ayaan diwaan-gelinaynaa ee barigii hore yaraa kii ka maqnaana jaanis ayaa la siinayaa markaa waxa ay noqonaysaa in dad yari is diwaangaliyaan.”
“Kaadh qaybinta diiwaan-galinta codbixiyeyaashu maaha arrin xisbi waxaa loo shaqaynayaa qaranka Somaliland, waxaanan ugu baaqayaa dadweynaha inay qaataan kaadhka diiwaangalinta codbixiyeyaasha,si arrintu u noqoto mid qaran innagoo gacmaha is haysana xisbiyadii iyo komishankii marka la qaato kaadhadhka codbixiyeyaasha, ayuu iman doonaa ololihii doorashadu,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Cabdiqaadir Iimaan Warsame.
Dawannews Hargeysa office