Maxkamadda Ayuu Ku Hamaansaday!

0
406

Sannadkii 2011  garsoore  Maraykan ah oo wakhtigaasi ridayay go’aanka xukunka uu gaadhay ayaa ku xukumay nin lagu magacaabo Clifton Willymer  oo ka mid ahaa dadkii go’aanka maxkamadda dhegaysanyay xukun 6 bilood xadhig.

Xaakinka ayaa ka cadhooday ka dib markii uu ninkaasi aad u hamaansaday oo dadkuna kuwada jeesteen dhowaaqa hamaansigiisa, Garsooraha ayaa arrinkaasi aad uga cadhooday oo u arkay inuu xaqirayo go’aanka xukunka maxkamadda.

Laakiin waxa la sii daayay Wiltmer markii uu xidhnaa muddo 3 toddobaad ah, ka dib markii la dhaleeceyay xukunka lagu riday.

Leave a Reply