Xadka u dhexeeya dalalka Armenia iyo Asarbarjan ayaa ah goobo ay tuugadu aad ugu badan tahay oo amaan ahaan aad u hoosaysa. Islaanta da’dan ahi waxay ku nooshahay goobtaasi waana islaan aan lahayn wax ubad ah, sidaa darteed waxa ay nafteeda iyo gurigeeda tuugada iyo budhacadda kaga ilaalisaa qori Ak ah oo ay iyadu leedahay.
Islaanta markii ay dhallinayrada ahayd waxay ka tirsanayd ciidamada militariga ee Armenia.