Hoggaamiyaha Mucaaridka Kiiniya oo ku Hanjabay inuu Qaadacayo Doorashada

0
375

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku hanjabay in aanu ka qeyb geli doonin doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee bisha oktoobar dhici doonto.

Wuxuu sheegay inuu u baahan yahay dammaanad qaad dhinaca dastuurka ah mana uusan ka bixinin sharraxaad arrintaasi.

Isbuucii la soo dhaafay ayaa maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya waxay waxba kama jiraan ka soo qaaday codbixintii dhacday bishii Ogosto oo ay sheegtay in guddiga doorashooyinka ee IEBC aysan u qabanin doorashadaasi si waafaqsan dastuurka.

Maxkamadda ayaa amartay in doorashadaasi la qabto ka hor 1-da bisha Nofeember.

Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa aad u bogaadiyay mucaaradka iyo beesha caalamka qaarkeed, waxaana dhacay mudaaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo,

Balse madaxweyne Uhuru iyo xisbiga Jubilee ayaa go’aanka ku tilmaamay mid siyaasadaysan, haseyeeshee ay aqbaleen go’aanka.

Doorashadaasi dhacday Ogost ayaa waxaa 54% codadkii la dhiibtay ku guuleystay madaxweynaha hadda xilka haya Uhuru Kenyatta halka Odinga uu helay 44%.

Odinga waxa uu shir jaraa’id ka sheegay inuu doonayo in doorashadan lagu qabto jawi oggolaanayo in sixitaan lagu sameeyo wixii ka khaldamay doorashadii hore.

“Waan ognahay wixii uu sameeyay guddiga IEBC doorashadii u dambeysay. Waan ognahay inaysan waxba isbadeli doonin haddii aan ku laabano doorasho kale. Waana taasi sababta aan uga qeybgeli doonin doorashada 17 Oktoobar,” ayuu yidhi Odinga.

War qoraal ah oo ka soo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaama labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

 

Leave a Reply