Murrashaxiinta KULMIYE oo Iimaansaday Dhoolatus Ugub ah oo Reer Gabiley Fagaare ugu Muujiyeen

0
365

Gabiley (Dawan)- Kumanaan dad ah oo ka tirsan shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley ayaa isu soo baxyo ballaadhan oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ku qaabilay weftigii uu hoggaaminayo madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylic).

Weftigan oo ka soo kicitimay magaalada Boorama, isla markaana ay xubno ka yihiin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga, siyaasiyiin, xildhibaanno, salaadiin iyo hoggaanka heer qaran ee garabka haweenka, ayaa duleedka galbeed ee magaalada waxa kaga hortegay dadweyne aad u tiro badan, kuwaasi oo lulayay caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga.

Taageerayaashan oo sida mawjadda u socday, isla markaana ay hoggaaminayaan maamulka xukumadda iyo xisbiga u qaabilsan gobolka Gabiley, salaadiinta iyo wasiirrada gobolkaas ka soo jeeda ee xukuumadda ku jira, ayaa weftiga u soo gelbiyey dhinaca gudaha magaalada Gabiley, iyaga oo xubnha weftiguna ay lug ku soo mareen jidadka magaalada, isla markaana ay hareeraha ka socdeen kumanaan ka tirsan taageerayaasha xisbigu ku leeyahay magaalada, kuwaas oo markii dambe isugu biyo shubtay dhinaca fagaaraha Khayriyada magaalada oo hadallo mahadnaq iyo guubaabin u badan looga jeediyey.
Maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan magaalada Gabiley oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadnaqay shacabka reer Gabiley taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen weftiga uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, waxana ay bulshada ku adkeeyeen inay u diyaar garoobaan sidii ay codkoodana u siin lahaayeen murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Xuseen Aw Muuse, Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar iyo Boqor Muxumed Geelle Seed oo iyaguna madashaas dadka kala hadlay, ayaa bulshada reer Gabiley kula dardaarmay inay garab galaan waxqabadka xukuumadda KULMIYE, isla markaana ay codkooda siiyaan, si uu waxqabadkaasi u noqdo mid halkiisa laga sii ambo qaado.

Badhasaabka gobolka Gabiley Xamse Cadow-yuurura iyo Maayarka magaalada Mudane Maxamed Ammiin Cumar, ayaa iyaguna shacabka gobolka Gabiley ku bogaadiyey taageerada muuqata ee ay xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa u muujiyeen.

Wasiirrada wasaaradaha Beeraha Maxamed Aw Daahir, Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse, Ganacsiga Cumar Shucayb oo iyaguna hadallo dhinacyo badan taabanaya madasha ka jeediyey, ayaa ka mahadceliyey isu soo baxa taageero ee reer Gabiley kala hortageen Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisa, waxana ay ku adkeeyeen inay maanka ku hayaan waxqabadka uu KULMIYE ka hirgeliyey guud ahaan ba dalka iyo midka uu sida gaarka ah uga hirgeliyey gobolka Gabiley.

Siyaasiyiin iyo haldoor xisbiga KULMIYE magac iyo miisaan ku leh oo ay kamid yihiin Jamaal Cali Xuseen, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Cali Maxamed Waran-cadde, guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa iyaguna hoosta ka xarriiqay in isu soo baxa iyo taageerada laxaadka leh ee Gabiley marag u tahay sida uu xisbigu u hantay quluubta shacabka, isla markaana loo baahan yahay in loo wada guntado sidii uu xisbigu u wada heli lahaa badiba taageerada cod-bixiyayaasha reer Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Mudanr Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Xildhibaan Cali Gabiley, Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo iyaguna ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay, ayaa si ballaadhan uga mahanaqay soo dhaweynta reer Gabiley u muujiyeen xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana ay shaaciyeen inay Gabiley kamid tahay goobaha guusha doorashooyinka Somaliland laga saadaaliyo.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka reer Gabiley, waxana uu xusay inay Gabiley caan ku tahay guusha xisbiga KULMIYE, isla markaana aanay shacabkeedu ahayn kuwo cid kale loo nisbayn karo.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa madaxweyne Ku-xigeen ee xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shacabka reer Gabiley ku bogaadiyey taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen weftiga uu hoggaaminayo, waxaannu yidhi; “Shacbiga sharafta badan ee reer Gabiley waan salaamayaa, runtii maanta waa maalin wayn, waa maalin qiimo weyn ku leh ummadda Somaliland, gaar ahaan xisbiga KULMIYE, waxaan idiinka mahad naqayaa sida waddaniyada leh, qaddarinta leh, walaaltinimada leh ee aad noo soo dhawayseen.”

Saylici ayaa xusay dhacdooyin hore oo uu sheegay in isaga iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ay kala kulmeen gobolka Gabiley, arrintaas oo uu tilmaamay in ay xusuus gaar ah u leedahay isaga, waxaanu yidhi “Maanta aniga waxay ii tahay maalin gaar ah oo aniga ii calaamadaysan, waxay iila mid tahay wakhigii olalaha doorashadii hore ee madaxtooyada, horraantii bishii June 2010-kii, kolkii ololuhu bilaabmay, maalintii labaad ee xisbiga KULMIYE u lahaa ololaha ee aynu halkan isugu nimi, aniga iyo madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, anga oo ahayn murashaxiintii xisbiga KULMIYE oo halkaa aynu maanta joogno sidaa iyo si ka ballaadhan naloogu qaabilay, oo naloogu soo dhaweeyay oo meel aanu cagaha saarno aanu waynay, badnaanta tirada dadkii isu soo baxay awgeed, oo halkaa iyo Wajaale, Geed-balaadh, Allay Baday, Fara-wayne ilaa Gabiley aanu waynay meel aanu cagaha saarno, maanta waa maalintii labaad ee nooceeda ah, aniga farxad gaar ah ayay ii tahay, waxay i xasuusinaysaa dhacdadaa hore, aniga oo nasiib u helay in aan murashax noqdo, in ay maantana sidii oo kale ay tahay iyada oo aan waliba la gaadhin wakhtigii ololaha.”

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu intaas ku daray “wakhtigii doorashadii hore ee madaxtooyada daadkii na qaaday iyo isbedelkii qiimaha lahaa ee reer Gabiley ay hormoodka ka ahaayeen ayaa maantana muuqda, waxaad maantana adkaynaysaan wixii uu KULMIYE qabtay in aad sii adkaysaan, waan idinku mahadinaynaa sharafta iyo karaamada aad muujinaysaan, maantana labadayada murashax ba waxaanu ka soo wada jeednaa gobolka Gabiley, markaa maanta nasiib ayaa keenay in laba nin oo reer galbeed ah aanu hogaankii xisbiga KULMIYE u sharaxanahay, waxaanan rajaynayaa in aanu ku guulaysan doono oo aanu noqon doono mishiinka jiidaya Somaliland, waxa la ydihi mishiinka yar ee xaga hore saaran ayaa jiida gaadhiga dhan, waxaa la idinka rabaa, culays ayaa na fuulaya iyo xil gaar ah, in ummada reer Somaliland aanu midayno oo ka shaqayno horumarkooda iyo caddaaladooda, idinkuna waxaad nagu garab gelaysaan sidaa maanta muuqata iyo si ka sii fiian in maalinta codka aad nagu gelbisaan, iyadda oo aan shaki igaga jirin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply