“Ma Haysaa Xashiish Aad Qubayso”?

0
388

Mathew Flores waa wiil 12-sano jir ah oo ka duwan dadka badankooda waayo wuxu jecel yahay qashinka boosta laga soo daadiyo. Ujeedada wiilkan yar ayaa ah inuu ka raadiyo qoraalo uu akhristo.

Flores wuxu aad u jecel yahay akhriska wuxuu u yimi ninka boosta ee xaafadda Salt Lake City magaalada Utah, USA, isagoo weydiisanaya inuu siiyo haddii uu hayo wargeysyo xashiish oo uu daadinayo. Waxaana Postmanka oo lagu magacaabo Ron Lynch, uu weydiiyay sababta uu xashiishka la  qubayo u raadinayo?   Wiilka Mathew ayaa u sheegay inuu akhrisanayo.

Ronch Lynch ayuu u sheegay inuu caawin doono, waxaan uu barta Facebook ee uu leeyahay ku qoray qisada wiilka yare e akhriska jecel,

Markiiba si degdeg ayaa looga soo jawaabay iyadoo 50-60 buug wiilka yar loo soo diray, caruurta da’diisa ah ayaa iyaguna ku soo caawiyay buugaag electronic, waxa kale oo iyana laga soo kaalmeeyay dalal badan. Waxaana boostmanku dhamaantooda gacanta ka saaray wiilka yar oo wakhtigan haysta maktabad weyn oo akhriskiisa caawisay.

Leave a Reply