Shirkii Jaraa’id ee Caalamka Ugu Xumaa !

0
390

Robert Doer wuxuu ahaa siyaasi Maraykan ah, iyo Senatorka  wakiilka u ah Pennsylvania tan,  Sanadkii 1986  ayaa lagu eedeeyay inuu qaatay laaluush, kaasi oo haddii lagu helo uu xukunkiisu noqon lahaa 55 sano oo xadhig.

Robert Doer ayaa shir saxaafadeed qabtay maalin ka hor markii xukunkiisa oo maxkamadda ka socday lagu dhawaaqi lahaa, waxaana uu u mahad celiyay qoyskiisa iyo asxaabtiisa, isagoo ku adkaystay sida aanu denbi u lahayn ee uu beri uga yahay eedaynta loo soo jeediyay.

Waxaana uu ku dhowaaqay kelmadihihii ugu denbeeyay :” Waxaan horey u soo sheegay in aanan iska casili doonin Jagadayda, waxaana rajeynayaa in kuwa rumaysan in aanan anigu dambiile ahayn ay sii wadi doonaan ducada iyo taageerada qoyskayga.  Nabad gelyo dhamaantiin “.

Ka dibna wuxu jeebadda kala soo baxay bastoolad oo afka geliyay oo isku dhuftay, waxaana uu ku geeriyooday saxaafadda horteeda.   Maalintii ku xigtay maxkamadda ayaa ku dhawaaqday xukunkiisa iyo in wax denbi ah lagu waayay mudanaha Robeert, ka dib markii markhaatiyada midkood sheegay inay been ahayd wixii ay ku eedeeyeen

Leave a Reply