Sida Ay Dumarka UK uga Faa’iidaystaan Noocyada Kalluumaysiga Ee Kala Duwan

0
415

Kalluumeysigu waa shaqo aad u adag lana xidhiidha in badda saacado badan lagu maqnaado, shaqaduna waa mid culus oo muruq iyo tamar badan u baahan, waxaana inta badan lagu yaqaanaa ragga, balse hadda waxaa aad usoo kordhaya dumarka kalluumeysiga ka shaqeeya.

Waxa ka mid ah dumar badan oo ku nool koonfur galbeed England , kuwaasoo ka shaqeeya badda, iyaga oo soo jilaabta kalluunka iyo aargoosatada, ama siyaabo kale uga shaqeeya arrimo kalluumeysi la xidhiidha.

Sophie Wear – Jilaabasho:

Gabadhan waxa ay ka mid tahay shaqaalaha saaran doon kalluumeysi oo dul socota webiga Helford, Cornwall, waxaanay ka hadlaysaa dareenkeeda ku wajahan shaqada ay qabato.

“Markasta waxaa jira fikradaha qadiimka ah ee ah in kalluumeysigu uu yahay shaqo ay ragga oo kaliya qabtaan, dumarkuna aanay qaban kalluumeysiga” ayay tidhi.

“Waxaan tagey dukaan si aan usoo iibsado barmiilka shidaalka iyo qalab kale oo doonta loogu talo galay, ninkii aan ka iibsanayay si daran ayuu iisoo eegey, waan necbahay in la ii maleeyo gabadh jilicsan, balse dumar ahaan way adag tahay in waxyaabaha qaarkood aad qaadid” ayay intaasi raacisey.

Sophie waxay sheegtay in xataa mar uu qaniinay nooc ka mid ah kalluunka, ay ahaydna qaniinyo aad u xanuun badan, balse waxay ku adkaysanaysaa inay aad u jeceshahay shaqadeeda.

Katherine Joy – Warshad Kalluun:

Waa haweenay kale oo ka shaqaysa arrimaha kalluunka, waxay ka hawlgashaa warshad kalluun oo ku taalla magaalada Plymouth, Devon.

“Waxaan ka shaqo bilaabay Tesco, waxaan joogay todobo sano, xirfado kala duwan ayaan bartay oo ku saabsan kawaanlenimada iyo kalluunka” ayay tidhi Katherine.

“Way adag tahay inaad dumar ku aragto halkan, dadka qaarkood ayaa ii yimaada oo su’aalo i waydiiya, oo yidhaahda maxaad halkan ka qabanaysaa?” ayay tidhi.

Katherine shaqadeeda waxa ka mid ah in ay miisaanto kalluunka, inay haragga iyo caloosha ka bixiso kalluunka, baakadayso kadibna ay ku gurto qaboojiye weyn oo meesha yaala.

Annie Gilbert – Naakhuude:

Haweenaydani waxay naakhuude ka tahay markab kalluumeysi oo ganacsi ah, kaasoo ka hawgala xeebta Jurassic, waxayna kasoo jeedaa magaalada Poole, ee degmada Dorset ee UK.

“Ian oo ahaa ninkeygii hore ayaa maalin i waydiiyey inaan jeclaan lahaa in aan ka mid noqdo shaqaalihiisa markabka, markiiba waan jecleystey fikradaas, wixii markaas ka dambeeyey maalmo kooban oo kaliya ayaan ka baaqday kalluumeysiga muddo 13 sanno ah” ayay tidhi Annie.

Waxay sheegtay in xilliyada ugu daran ee soo mara ay yihiin marka ay maalmo dhan badda ku maqnaato, haddana kalluunka lasoo helayo uu aad u yaryahay. Waxay intaasi ku dartay in mararka qaarkood shabaagtu ay ka buuxsamaan qashin, taasoo waqti badan ku qaadata in la nadiifiyo.

“Waligay waxaan jeclaa wiifoowga, marka waan jeclahay dabeylaha daran inaan ku shaqeeyo ee badda ka dhacaya, waxa jirta in markabkau aanu lahayn suuli, marka anigu kama xishoodo taas, waxa kaliya een ka helaa waa marka ay cadceedu soo baxayso iyo marka ay dhacayso waxaad u arkaysaa si nadiif ah, waana qurux miidhan” ayay tidhi Annie oo intaasi ku dartay in shaqadeeda ay aad u jeceshahay.

Angela Harrison – Kawaanle:

Waa haweenay kale oo ka shaqaysa arrimaha kalluumaysiga, Angela waxay ka mid tahay mulkiileyaasha shirkad ka ganacsata kalluunka oo ka dhisan magaalada yar ee xeebta ku taala ee Looe, ee degmada Cornwall , England.

Iyada iyo walaasheed Jackie waa jiilkii shanaad ee ku jira ganacsigan kalluumeysiga.

“Lacag badan maanaan haysan, balse markasta qaboojiyahayaga waxa ka buuxay kalluun noocyo kala duwan ah, subax kasta waxaanu tagi jirney suuqa kalluunka Looe halkaas oo kalluunka laga helaa aanu jirin wax la mid ahi” ayay tidhi.

“Waa shaqo ragga u gaar ah, waana in aad ahaataa qof xoog leh, oo xamaali kara sanduuqyo dhan 25 kiilo garaam ah” ayay intaas ku dartay.

Tina Hicks – Maareeyaha Dekedda:

Tina waa maareeyaha dekada Looe, ee degmada Cornwall, waxay sheegtay in la weeydiiyay inay jeceshahay inay maareeyo ka noqoto dekedda, xilkaas oo ay aqbashay, balse waxay dooratay darayska ragga inay xidhato marka ay shaqada ku jirto.

“Barigii hore shaqada maareeyuhu waxay ahaan jirtey mid shaqo badan u baahan, balse dhawaan wax kastaa way is-bedeleen, waa shaqo xafiis , mana aha mid dhib badan” ayay tidhi.

Lorna Lawrence – Dabato:

Gabadhani waa mid kale oo ka mid ah kuwa ka shaqeeya arrimaha kalluumeysiga, muddo shan sanno ah ayay ku kalluumeysanaysay doon uu aabaheed leeyahay webiga Helford ee degmada Cornwall

“Sannadihii hore ee shaqada aad ayay u adkaayeen, qaboowga gacmaha may ahayn mid loo adkaysan karayay, balse sanadkii labaad jidhkaagu waxa uu la qabsanayaa dhibaatada, waxa ugu daran waa in aad kacdaa xili hore aroortii, kadibna su’aalo ayay ku waydiinayaan kalluumeysatada kale ee ragga ahi, balse anigu waxaan aamisanahay in dumar kale oo badan ay shaqadan kasoo bixi lahaayeen haddii aaanay ku mashquulsanayn qoysaskooda” ayay tidhi.

Gabadhani waxay sheegtay inay hadda kalluumaysiga joojisay maadaama oo ay u baahnayd in ay qoys samaysato, caruurna xanaanaysato.

Sheila Taylor – Shiraacasho:

Sheila ninkeeda ayaa kalluumeysato ah, iyaduna waxay ka caawisaa inay soo jiido shabaagta kalluunka.

“Waxaan isticmaalaa doon, shabaagta kalluunka galay oo aad u culus ayaan badda kasoo bixiyaa” ayay tidhi Sheila oo intaasi ku dartay inay ka hesho midabada quruxda badan ee kalluunka.

Carly Daniels – Aargoosatada:

Waxa ay ka tirsan tahay mac-hadka cilmi-baadhista aargoosatada, halkaasoo qayb ka mid ah ay maamule ka tahay.

“Aargoosatadu waa noole cajiib ah, garaam ahaan waa kalluunka ugu qiimaha badan xagga lacagta UK oo dhan, waxayna muhiim u yihiin kalluumaysatada” ayay tidhi Carly.

Waxay intaas ku dartay in dumarku ay qaban karaan shaqooyin la mid ah kuwa ay raggu qabtaan.

Xarunta ay madaxda ka tahay oo sidoo kale ugxantu u taalo aargoosatada oo lagu tarmiyo ayaa dadka ka shaqeeyaa waxay u badan yihiin dumar.

Carly waxay hadalkeeda kusoo gabogabaysay in markii ay jaamacadda kasoo baxaysay, aanay weligeed ku fikirin inay ka shaqeyso aargoosatada, balse ay tahay shaqo ay aad u jeceshahay.

 

 

Leave a Reply