Ergadii Guurtidda oo Go’aamo Nabadeed Kaga Dhawaaqay Ceel Af-weyn

0
389

Ceel Af-weyn(Dawan):-Ergadii nabadeynta   ee ka socotay Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxdhaqameedka labada beelood ee walaalaha ah ee wada dega degmada Ceel Af-weyn ee gobolka Sanaag ee gacantu kala gaadhay isla markaana dagaal soo noqnoqday oo qasaare   dhimasho iyo dhaawac isugu jiraa uu kala gaadhay ayaa magaalada Ceel-af-weyn kaga dhawaaqay go’aamo nabadeed  oo labada beelood ay isla qaateen wada jirna ugu wada qanceen oo ay ku soo afjarayaan dhibaatadii ka dhex dhacday.

 

Waxa kaloo meesha laga saaray oo labada beelood ay isla qaateen in wixii hore ee dhacay oo dhan siada heshiiska ku cad looga wada bogsado isla markaana walaalnimadii iyo isku noolnimadii bulshada labada la soo geliyo oo ceel biyood dhul daaqsimeed iyo deegaan magaalo midna aan lagu kala maqnaan.’

Wada hadalada nabadeed ee labada beelood lagaga bogsiinayay wixii dhibaatooyin ah ee hore u dhacay isal markaana lagu soo celinayay kalsoonidii iyo walaalnimadii iyo isku naftii ay horeba u ahaayeen oo in muddo ahba ka loo fadhiyay degmada Ceel Af-weyn oo ay ka shaqaynayeen ergo nabadeed oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland isla markaana ay kala qayb qaadanayeen madax dhaqameedka labada beelood  iyo waxgaradka gobolka Sanaag oo dorraad la soo gunaanaday ayaa laga soo saaray go’aamadii kama dambaysta ahaa ee ay  ku wada bogsan lahaayeen labda beelood isla markaana lagu kala xukumay wixii dhimasho iyo dhaawac ah ee jiray.

Markii shirkii muddada u socday uu soo dhamaaday waxa doraad warbaahinta la hadlay  madaxdhaqameedka labada beelood oo sheegay in ay ka midaysan yihiin iskuna raacsan yihiin qodoba shirkaa ka soo baxay oo ah nabadayn iyo wanaag ay isla qaateen una qaadeen labada beelood ee ay madax dhaqameedka u yihiin.

Intaa ka dibna waxaa heshiiska labada beelood ay wada gaadheen halkaa ka akhriyay Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah Guddiga Nabadeynta ee golaha guurtida ka socdaywaxaanu yidhi. “Ujeeddo, Heshiiska Labada Beelood ee BAHO iyo IDARAYS, ka dib markii Colaad dhimasho iyo dhaawac iyo burbur keentay ay Muddo sannad ah ka dhex socdeen labada Beelood ee kor ku xusan, ugu dambayn waxa Colaaddii lagu soo Afjaray Heshiis labada Beelood ku gaadheen Magaalada Ceel Af-weyn, Heshiiskaasi oo u dhigan sidan:-.

Fadhiyo labada Beelood wada yeesheen waxa la isla qaatay Nabadgalyo Shuruud la’aan ah oo dhex marta, waxaana la dhaariyey Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Labada Beelood, waxaana lagu hor-dhaariyey Guurtida Somaliland iyo xidhayaasha labada Beelood.

Waxa kale oo Labada Beelood isla qaateen inaan Nabadgalyada si hawl-yar loo jabin.

Waxa labada Beelood isla qaateen in Tuulooyinka Ceelasha iyo Cawska si siman loo wada leeyahay, loogana wada faa’ideysan doono oo aan la kala lahayn, waxaana reebban in Degaanno iyo Tuulooyin cusub la sameeyo, Ciddii doonaysa inay meel degto waa inay ku biirto Tuulooyinkii iyo Magaalooyinkii hore.

Waxa lagu heshiiyey in Magaha Raggii dhintay, in Ninkiiba uu Daraf walba bixiyo 110 Halaad, una qaybsan 80 Halaad oo dhogor ah, 20 Halaad oo Lacag u dhiganta min 3 Boqol oo dollar iyo 10 Halaad oo Adhi loo beddelayo, una dhiganta 100 Neef oo Adhi ah.

Dil-xumadii labada Nin markay Caddaatay waxa lagaga heshiiyey in Ninkiiba laga bixiyo 80 Halaad oo dheeraad ah, una qaybsanta 50 Halaad oo Dhogor ah, 20 Lacag ah kuna qiimaysan   3 Boqol dollar Hashiiba iyo Toban Halaad oo loo beddelayo 100 Adhi ah. Aaskii waxa lagu heshiiyey in Marxuum kasta laga bixiyo Kun dollar, waxaana la bixinayaa isla Maanta (Shalay). Dhaawacyada waxa lagu heshiiyey in markay soo bogsadaan in la isku yimaaddo oo Cid walba waxay yeelato la siiyo.”

Magaha labada Dhinac ayaa la go’aamiyey in lagu bixiyo Muddo u dhaxaysa 4 illaa Lix Bilood, halka Kharashka ku baxay Aaska Dadkii Colaaddaa ku dhintay lagu heshiiyey in isla Shalay la bixiyo

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply