Ciidanka Booliska oo soo Bandhigay Eedo Culus oo loo Haysto Sh. Aadan Sunne

0
324

Hargeysa (Dawan)- Ciidanka  Booliska Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa ka hadlay hawlgal lagu soo qabtay Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Sune)  oo habeen hore laga soo qabtay gurigiisa oo ay ku eedeeyeen inuu waday falal lid ku ah amaanka. Waxa kaloo ay sheegeen inay waaran sharci ah u qaateen soo qabashadiisa.

Taliska ciidanka boolisku waxay sidaas ku sheegeen shirjaraa’id oo ay shalay si wadajir ah u qabteen Taliye ku-xigeenka kowaad ee booliska  Sareeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) iyo afhayeenka ciidankaas gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi.

 

“Ciidanka boolisku waxay ku  ku jireen  hawlgal aan kala go’ lahayn muddooyinkanba oo aanu ku xaqiijinayno amniga qarankan, hawlgalkii ugu danbeeyay ee ciidanka boolisku xalay (habeen hore) qaadeen waxay ku soo qabteen, Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Sune) oo ku eedaysan khalkhal gelinta nabadgelyada, isaga oo abaabulay, kana been sheegay, hawlgal ciidanka boolisku ay fuliyeen oo lagu soo qabtay dhallinyaro badan oo tababarro iyo dabrido ku samaynayay magaalada agagaarkeeda, looguna talogalay inay fuliyaan falal qarankan ku lidi ah, sidaasi darteed waxaa uu ciidanka boolisku wadayaa hawlgalkaasi cid kasta oo wax ka sheegtana waxa loo baahan yahay inay u yimaadaan madaxda sarsare ee ciidanka Booliska si aanu wax u fahansiino.Waxa aanu  ilaalinaynaa waa qarankan, ummadan iyo hantidooda, cidkasta oo aanu u aragno inay lidi ku yihiina waanu xidhaynaa,”ayuu Taliye ku-xigeenka kowaad ee booliska, Sareeye guuto Cabdiraxmaan Fooxle.

 

Afhayeenka ciidanka booliska, Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi ayaa tafaasiil ka bixiyay kooxo ay qabteen oo uu ku eedeeyay inay maleegayeen falal nabadgelyada lid ku ah.

 

“Ciidanka booliska oo kaashanaya ciidammada amniga ee ay wada shaqeynta dhow leeyihiin waxay  gacanta ku soo dhigeen koox maleegeysay arrimo khatar ku ah amniga qaranka iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo degaanka loo yaqaanno Uubaale ku qaadanayey dabrid, dhammaantoodna waala soo qabtay waxaana la horgeynayaa  maxkamadda baadhistiina way socotaa,”ayuu yidhi Afhayeenka boolisku.

Afhayeen Faysal Xiis oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi;  “Waxa kaloo    xalay  (habeen hore) oo ay bishu ahayd 6/9/2017 ciidanka Boolisku ay hawlgal ku soo qabteen wadaadka la yidhaaho Aadan Cabdi Warsame (Aadan Sune) kaasi oo khatar ku ah nabadgelyada waddanka, isaga oo ciidanka booliska kala horyimd iska cabin  oo soo abaabulay kooxo isugu jira rag,dumar iyo koox dhallinyaro ah oo loo yaqaano Himilo kuwaasi oo ciidanka kala horyimid dagaal xoogan. waxa kaloo wadaadkani maalintii ciidda garoonka Hargeysa Stadium uu dadka kula hadlayay hadallo kicin dadweyne ah, isaga oo ka been sheegayay hawlgalkii lagu soo qabqabtay nimanka dabridka samaynayay, kuwaasi oo uu isagu masuul ka yahay, waxaannu ku andacoonayay waa layska soo xidhay waana bilaa danbi,  isagu ma xeer ilaalin baa, waxaannu ciidammada ku tilmaamay inay gaalada u adeegaan.ciidanka boolisku qaranka ayay u shaqeeyaan oo shacabka ayay u adeegaan habeen iyo maalinba oo waxay  ilaalinayaan nabadgelyada shacabka Somaliland waana been aan sal iyo raad midna laheyn. xadhiga wadaadkana waxa loo soo maray sifo sharciga waafaqsan waraaq baa  loo soo gooyay laguna xidhay sharciga ayaana la horkeeni doonaa.”

Gaashaanle Faysal Xiis waxa  uu sheegay in gacan adag ku qaban doonaan cid kasta oo ku kacda ama soo maleegtada facaa’il qaranimada iyo nabadgelyada Somaliland waxyeelaya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply