Wasiirka Maaliyadda oo ka Hadashay laba Ceel Biyood iyo Cusbitaal laga Dhisayo Degmada Daarasalaam

0
367

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah Wasiirrada xukuumadda Somaliland, ayaa shalay  degmada Daarasalaam ee gobolka MaroodiJeex ka dhagax dhigay laba ceel biyood iyo Cusbitaal laga hirgalin doono degmada Daarasalaam.

Wasiirka Maaliyadda, Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa faahfaahisay mashaariicdan,  waxaanay tidhi; “Waxaannu maanta (shalay u soconay in Cusbitaal dhammaystiran oo wixii Cusbitaal looga baahnaa oo dhan leh insha alaah haddii illaahay inala qabto in MCH-ka dhulka u banaan si ay iskugu dhawaadaan in aynu helno oo aynu dhagax dhigno.

Waxa kaloo  aanu  u soconaa laba ceel oo loo dhisayo dhawr beerood oo dad sabool ah ayaynu u dhaxaysiinaynaa, Wasaaradda biyuhuna idinka ayay idiin xilsaaraysaa in aydun ka talisaan labadaa ceel bal cidda loo qodayo ay ku heshiiyaan siday uga dhaansanayaan, siday ceelkaa u helayaan oo aanu noqon ceelkaasi meel aanu qof u sheegan in dadka saboolka ah ee beerihii biyo u la’ u wadaagi lahaayeen. Qorshahaasi wuxuu inoo furayaa qorshe ka ballaadhan oo aynu hadhow samayno in aynu dad dhul u beerno.”

Wasiirka Caddaaladda Somaliland, Md. Axmed Faarax Caddare oo isaguna halkaasi ka hadlay waxaannu yidhi; “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland wuu ku suntan yahay horumarka iyo taariikh fiican oo laga tago oo ay u suurtagaliyeen Wasiirrada uu u igmaday, kala dedaal badan Wasiir Samsam waxaannu leenahay waad ku mahadsan tahay ilaahay ha kaa jasaa’i siiyo.”

Gudoomiyaha degmada Daarasalaam Cabdikariin Cali Maxamed ayaa soo dhaweeyey mashaariicdaasi deegaanka laga hirgalinayo, waxaanu yidhi “Waxa weeyaan baahiyaha ka jira degmada run ahaantii hadaan soo taataabto aniga oon ka dhamaanayn, waxa jira oo aad u mihiim ah caafimaadka oo dhibaato ka jirto, waxaad arkaysaa hooyo meel 60km inoo jirta ku dhibaatoonaysa oo cid u gargaarta aan haynin ayaad arkaysaa, waanu soo qaadnaa iyadoo hadana halkan waxba lagaga qaban kari waayey ayaanu hadana qaadnaa, iyadoo Lab iyo Libratory toona aan loo hayn ayaad arkaysaa. Dadkaasi waa dad reer guuraaya oo danyar ah oo laga yaabo in magaalada Hargeysa aanay xaafadiba u daganayn.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Daarasalaam Cabdikariin Cali Maxamed.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha Somaliland, Cabdiqaadir Maxamuud ayaa isna dhinciisa soo dhaweeyey Mashaariicdaa deegaanka laga hirgalinayo waxaanu yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay degmadan oo ah markii iigu horaysay ee aan imaado, runtii warkeedana aan hayey. Waxa aynu u baahanahay maadaama oo degmadani ay Hargeysa waraabiso wixii kale in laga ciiltiro”.

Maareeyaha Wakaallada Biyaha Hargeysa, ayaa sheegay in degmadani laga rabo qorshihii ay ku waraabin lahayd Caasimada Hargeysa ee Somaliland tobanka sano ee socda, oo maana ay degan yihiin dad hal milyan oo qof ka badan in tobanka sano ee soo socda marka shacbiga caaismadu laba milyan gaadhaan qorshihii ay ku waraabin lahayd, sidaa darteedna degmadu ay inaga mudan tahay ahmiyad intan ka badan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply