Daraasad lagu Sameeyay Yeyda Afrika

0
403

Cilmi Baadhis cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in yeyda ay leeyihiin nidaam go’aan qaadasho ah oo la yaab leh, kagana duwanyihiin xayawaanka intiisa kale.

Daraasadan oo ay sameeyeen aqoonyahano ka kala socda jaamacaddaha New Wales ee magaalada Sydney ee Australia iyo jaamacadda Brown ee Maraykanka iyo waliba tan Swansea ee isla Maraykanka ayaa lagu ogaaday in yeyda ay qaab codbixin ah go’aanka u qaataan. Go’aanada ayaa waxaa ka mid ah marka ay tahay in ay ugaadhsi tagaan iyo marka kale.

Dr. King oo ka tirsan cilmi baadhayaasha ayaa sheegay in ay adeegsadaan qaab codbixin ah, haddii tiro go’an ay isla jaanqaadaan, waxaa dhacda in ay ku dhaqaaqaan ugaadhsi.

“Waxaa jira guntan ama kooram loo baahanyahay, waxaana xitaa nidaamkan isticmaala noolayaasha kale qaarkood” ayuu intaas ku daray.

Cilmi Baadhista ayaa sidoo kale muujisay in ay jiraan xubno ka tirsan yayda oo codkooda uu ka awood badanyahay kuwa kale, oo haddii ay dhawaaqaan  lagu go’aan qaadanayo.

Cilmi Baadhistan ayaa waxaa lagu daabici doonaa majaladda seyniska ee The Proceedings of the Royal Society B.

Nooca yayda daraasadda lagu sameeyay ayaa ah kuwa Afrika ku nool ee sii dabar go’aya, waxaana daraasadda laga sameeyay seero ku taala dalka Botswana , halkaas oo lagu illaaliyo yaydan si aysan u dabar go’in.

Inkasta oo ay jiraan xayawaano aad u badan oo leh nidaam iyo kala dambayn iyo waliba hoggaan, haddana waa markii koowaad oo la ogaado in aragtida dhexdooda ah oo codeynta ay ka mid tahay waxyaabaha la tixgaliyo.

Leave a Reply