Qoys Safar Dheer u Galay si ay u soo Garaacaan Gabadh u Dhaxday Wiilkooda

0
404

Booliska gobolka Florida ee Maraykanka ayaa sheegay in afo iyo saygeedu safar dheer oo 13,000 Km ah u galeen si ay u “edbiyaan” gabadh wiilkooda u dhaxday.

Jasbir Kalsi oo 67 jir ah iyo afadiisa Bhupinder oo 62 ah ayaa sheegay in ay ka soo safreen gobolka Punjab ee dalka Hindiya oo ay gaadheen degmada Hillsborough si ay uga caawiyaan wiilkooda Devbir inuu “edbiyo oo ay u waaniyaan” xaaskiisa.

Silky Gaind, oo ah haweenayda wiilka ay dhaleen u dhaxda, ayaa boolisku Sabtidii arkeen iyada oo jidhkeeda nabarro ku yaallaan ka dib markii ay heleen fariin ay u diraysay waalidkeed.

Saygeeda iyo labadiisa waalid ayaa haatan dacwado dhawr ah lagu soo oogay oo ay ku jirto waxyeello jidheed.

Odayga u soddoga ah haweenaydan, oo isaga iyo afadiisu booqasho kula joogeen qoyskan muddo bil ah, ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyay in uu midi dhuunta kaga qabtay.

Gaind oo ah 33 jir ayey muddo ku xidheen guriga sodogeed iyo sodohdeed waxaana markii dambe ka soo saaray guriga askar ka tirsan booliska Hillsborough, sidaana waxa ku waramay warbaahinta maxalliga ah.

Iyagoo waxaas oo dhan u geystay ayey hadana qoyskaasi damceen in ay askarta ka hor joogsadaan in ay guriga galaan, waxaanay arrintaasi ku kalliftay askarta in ay ciidan dheeraad ah dalbadaan si ay guriga uga soo saaraan haweenaydaa iyo inan yar oo ay dhashay oo gu’ jir ah.

Markii dacwadu ka furantay maxkamadda Axaddii, ayaa Gaind u sheegtay garsoorihii fadhiyey in ninkeeda oo isna 33 jir ahi nafteeda halis geliyey.

“Aad baan u argagaxay, waayo habeenkii  oo dhan wuxu igu lahaa waan ku garaaci, hadaad booliska la hadashana qudhaan kaa jari buu igu yidhi, wuxu igu yidhi boolisku toban daqiiqo ayay halkan ku soo gaadhi karaan markaa intaanay iman ba ayaan adiga iyo aniga qudha inaga jari” ayey tidhi.

Wargeyska WFLA ayaa isna ku waramay in Jasbir Kalsi lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin in uu garaacay qof oo nafteeda halis ku geliyey midi, Devbir oo ah ninka haweenaydu u dhaxdayna waxa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah inuu badheedh u garaacay haweenayda.

Labadoodaba waxa sidoo kale lagu soo oogay in ay xabsi guri ku hayeen gabadhaa iyo in ay ilmaheeda dhibaateeyeen isla markaana ay u diideen in ay booliska kala xidhiidho lambarka 911.

Bhupinder Kalsi ayaa waxa iyadana lagu soo oogay handadaad guri iyo in ay haweenaydaa garaacday isla markaana ay ka gaabsaday in ay booliska ogaysiiso dhibtaadada haweenaydaa loo geystay.

 

Leave a Reply