Maayarka Hargeysa oo Su’aal Hawada u Mariyey Dadweynaha & Baaqa Xoghayaha

0
333

Hargeysa(Dawan)- Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa muddooyinkii u dambeeyay qaaday hawlgallo ballaadhan oo ay ku casriyaynayso jidadka magaalada ee burbursanaa, iyadoo bilihii u dambeeyay dayactirkii u weynaa ku sameysay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada.

Waxa dayactirkan ugu dambeeyay jidka labaad ee caasimada ee daba mara cusbitaalka weyn oo ay dhigeen laami cusub oo nooca roogga loo yaqaano ah.

 

Maayarka caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Xoghayaha fulinta D/Hoose Cali Xasan Cawaale ayaa kormeeray shalay jidka labaad ee magaalada iyo isgoysyada soo gala oo dayactirayo.

Maayarka caasimada ayaa shaaciyay inay maxkamad horgeyn doonaan cid kasta oo dhaawacda jid magaalada ku yaalla;  “Waxaan leeyahay shaqaalahan ka shaqeynaya waddooyinka Hargeysa, waa in laga daayaa tacadiga, waxaan arkayay dadka baabuurta wadata qaarkood oo soo jiidhaya waddadan la dhisayo oo qoyan soo maraya, waxaannu ku wargelinaynaa qof kasta oo dhaawac soo gaadhsiiya jidadkan la dhisayo inaanu maxkamad la tiigsan doono,”ayuu yidhi Maayarku.

Maayar Cabdiraxmaan Soltelco waxa uu dadweynaha reer Hargeysa waydiiyay su’aal uu qalabka warbaahinta u mariyey, waxaannu yidhi; “Qof walowba  is xisaabiyoo, waxaad doonaysaa waddooyin wanaagsan oo aad si fiican ugu socoto, sariibad wanaagsan ayaad doonaysaa, biyo ayaad doonaysaaye cashuurtii yarayd ee dawladda hoose kugu lahayd ma bixisay bal qof walowba su’aashaas caawa is weydii.”

Sidoo kalena, Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, Cali Xasan Cawaale, ayaa sheegay in dawlad hoose ahaan qorsheeyeen hindise  lagu  casriyeynayo jidadka magaalada, waxase uu dadweynaha ku booriyey inay ilaaliyaan waddooyinka la dhicisay iyo kuwa la dayactiraba.

“Jidadkan dhismahooda iyo dayactirkooda waxa ku baxay muruq iyo maalba, waana hanta guud oo ummaddu leedahay waxaannu dadweynaha ka codsanaynaa inay ilaaliyaan oo aan la waxyeelaynin jidadka,”ayuu yidhi Xoghaye Cali Xasan.

Xoghayuhu waxa kaloo uu kormeeray waddada weyn ee tagta Madaarka Hargeysa oo D/Hoose ay jidkaas inta u dhaxaysa labada haad dhigayso marmar loogu talogalay in kor loogu qaado bilicda waddada.

Dadweynaha caasimada ayaa maamulka dawladda hoose ku ammaanay dedaalka ay sameeyeen ee la xidhiidha hagaajinta waddooyinka magaalada dhexdeeda ah. Waxa kaloo ay ku booriyeen inay xooga saaraan dayactirka waddooyinka xaafadaha magaalada ee muhiimka ah oo aanu horumarinta jidadku ku ekaan suuqyada  iyo shacabka dawladda. Dadweynuhu waxa kaloo ay ku taliyeen in maamulka Dawladda hoose waddooyinka u sameeyaan diriinayjyo  waaweyn.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply