Madaxtooyada oo ugu Baaqday Waddani inuu Iimaansado Awoodiisa iyo Guddida Doorashooyinka

0
346

Hargeysa (Dawan) –  Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa murrashaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ugu baaqday  inuu ku niyad samaado awoodiisa xisbinimo isla markaana uu ku kalsnoodaado guddida doorahooyinka qaranka.

 

Sidaasna waxa sheegay  Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Dayr) oo daba socday hadal  khamiistii  ka soo yeedhay murrashaxa xisbiga Waddani, kaas oo beesha caalamka ugu baaqay inay goob joog ka ahaato doorashada 13ka November  ka qabsoomi doonta  Somaliland.

 

Afhayeenku waxa uu ku dooday  in doorashada madaxtooyadu u qaybsoomi doonto si xor ah, isla markaana goobjoogeyaasha caalamku iman doonaan xataa waddanka Shiinaha haddii loo baahdo;  “Anigoo ku hadlaya afka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaan sheegayaa in doorashada madaxtooyada ee soo socota haddii Alle yidhaa ay u dhici doonto si xor oo xalaal ah, goob joogeyaasha adduunkuna dhammaan way iman karaan xataa Shiinaha ayaa loo yeedhi karaa haddii la doono inuu goob joog ka noqdo sida ay doorashadu u dhacayso,”ayuu yidhi Afhayeenka oo shalay u waramay Telefishanka Eryal TV.

 

 

Sidoo kale af-hayeenka madaxtooyadu waxa uu murrashaxa xisbiga Waddani  ugu baaqay inuu iska daayo kalsooni darrada ay sii muujinayaan iyadoo aan doorashadiiba la gaadhin, waxaannu yidhi “Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, waxaan leeyahay waa in uu kalsooni ku qabo guddida doorashooyinka qaranka, dastuurka qaranka, xeerarka doorashooyinka qaranka ee dalka u yaalla iyo kartida uu xisbigiisu u leeyahay inuu la tartamo xisbiyada kale ee dhigooda ah. Markaa annagu wax werwer ah kama qabno in doorashadani ay u dhici doonto si qiimo badan, oo xalaal ah.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply