Tirada Dad ku Dhintay Roobab ka Da’ay Gobolka Awdal

0
348

Boorame (Dawan)- Ugu yaraan shan qof, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab   laxaad leh oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka da’y    gobollada  galbeedka.

Maayarka degmadda Boorame Maxamed Xuseen Maydhane  ayaa BBC-da u sheegay  in shan qof ay ku dhinteen roobabkan gaar ahaana degmooyinka  Baki iyo Boorame ee gobolka Awdal.

 

Waxaanu sheegay in magaaladda Boorama ay roobabku ku dileen 3 qof, roobabkii ka da’ay maalmihii la soo dhaafay isagoo  intaa ku daray in degmada Baki  Danab uu ku dhacay  hooyo iyo ilmo yar oo ay dhashay, halka saddex qof oo kalena ay ku dhaawacmeen danabkaasi.

Sidoo kale degmada Boorama ayaa dooxa loo yaqaanno Camuud waxa uu qaatay  habeen hore laba qof  oo kala ahaa nin iyo gabadh kadib markii gaadhi ay saarnaayeen uu daadku qaatay.

Waxa kaloo habeen hore   dooxa loo yaqaano Huluuq oo u dhaw magaaladda Arabsiyo ee gobolka Gabiley la sheegay  in  daad ku qaaday baabuur  siday dad rakaab ah, iyadoo halkaasi uu ku dhintay ninkii dirawalka ahaa oo magaciisa lagu sheegay marxuum Maxamed Aadan Yuusuf   balse dadkii rakaabka ahaa ay ka badbaadeen.

Dhinaca kale masuuliyiinta gobollada iyo degmooyinka  dalka ayaa digniinno ka soo saaray  dhibaato kale oo ay gaystaan roobabku,  oo ay dadweynaha xoolo dhaqatadda ah iyo kuwa safarka ahba  uga digayaan  in ay ka fogaadaan meelaha  dooxooyinka ah.

Iyadoo meelaha ugu badan ee ay roobabku dhibaatada ka gaystaan xilliyada daadadku soo rogmadaan ay yihiin dooxyadda oo marka ay sidan oo kale roobab badani  da’aan ay dhacdo in ay qaadaan gaadiidka safraya.

Meelaha  ay inta badan  dooxyadu dadka ku qaadaan ayaa ah  inta u dhaxaysa laga soo bilaabo Boorama ilaa Berbera oo ay ku yaalaan dooxyadda ugu badan maadaama oo dooxyadda ku yaalla jidkaasi  aanay  intoodda badani lahayn buundooyin ay biyuhu hoos maraan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply