Laba Dumar Ah Oo Caalamka Ka Yaabiyey, Kadib Markii Ay Isku Dayeen Inay Baan Dhacaan

0
386

Ciidamada Pennsylvania ayaa sheegay in ay laba dumar ahi ka dambeeyeen isku day dhac oo lagu doonaayey in lagu dhaco Baan ku yaala Pennsylvania , iyaga oo intaas ku daray in ay baxsadeen labadaasi dumar ahi.

Labadan dumar ah ayaa intii aanay soo gelin Baanka waxay soo xidheen dharka ay caanka ku yihiin inay xidhaan dumarka kiniisadaha jooga ee Nana-da loo yaqaano, iyaga oo markii ay baanka gudaha usoo galena lasoo baxay Baastooladdo.

Ciidamada Booliska ee Pocono Township ayaa sheegay inay ilaa hadda raadinayaan labadaasi dumar ah, iyaga oo sheegay in ay labadaasi dumar ahi soo galeen Baanka , kadibna hub ku qabteen ilaaladii Baanka , kana dalbadeen in lagu soo wareejiyo lacagta cadaanka ah ee taaley Baanka.

Ciidamada ayaa ka codsaday cid walba oo xog ka hesha ama garanaysa inay soo gaadhsiiyaan, iyada oo marka la qabto lagu qaadi doono sharciga xatooyadda hantida dadweynaha  ama Xatooyo Bangi , kaas oo ah mid aad u culus.

Labadan dumar ah Ayaan iyagu helin wax lacag ah, iyaga oo baxsaday ka hor intii aanay helin lacagtii ay dalbadeen, waxaanay haweenkani galeen Baanka lagu magcaabo Citizens Bank oo ku yaala magaalada Pocono Township, gaar ahaana wadada 611 .

Dhacdadan ayaa noqotay mid aad uga yaabisay adduun weynaha, kadib markii ay warbaahintu baahisay, waxaana markii hore la moodaayey in falka ay rag geysteen, iyada oo toddobaadkii ina dhaafay la ogaaday in falka ay geysteen dumar.

Leave a Reply