Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dalkaasi masar ayaa shaqadii ka joojisay sheekh kamid ah culimadda Az-har , kadib markii uu hees ka qaaday telefishan kamid ah telefishanada ku yaala wadankaasi Masar oo uu Barnaamij ka socday.
Sheekhan oo lagu magcaabo Sheekh Ehab Yunis ayaa ka qayb gelaayey barnaamij ka socday telefishanka ON TV ee wadanka Masar, waxaanu markeliyaata ku dhuftay ama qaaday hees ay lee dahay fanaanad caan ka ah wadankaasi Masar oo lagu magcaabo Umu Kalsuum.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa wadaadkan ka mamnuucday inuu wax casharo ah oo diini ah ka bixiyo goobaha diinta lagu barto dalkaasi, inuu khudbad ka akhriyo masaajidada dalkaasi iyo inuu khudbado diini ah oo kale ka jeediyo gebi ahaanba dalkaasi Masar.
Wadaadkan oo markii uu heesaayey xidhnaa dharka ay caanka ku yihiin culimadda Azhar ayaa bulshada dalkaasi aad uga naxday kadib markii uu hees ka qaaday telefishankaasi, taas oo suuqyada dalkaasi Masar ka dhalisay su’aalo badan oo ay dadku is weydiiyeen.
Diinteena Islaamka ayaa xaaraan ka dhigtay heesaha iyo dhegaysigooda , gaar ahaana marka ay ka hadlayaan dumarka iyo xubnohooda, sidoo kalena aalada Miisiga markay wataan ayay iyadana xaaraantinimaysay.
Ilaa hadda lama oga sababta keentay in wadaadkaasi heeso, iyada oo noqotay dhacdo dadka aad uga yaabisay.