In Abaal marin la siiyo ayay ku Khasabtay Booliiska

0
361

Dalka Maraykanka islaan 90 jir oo ka soo jeeda dadka madow ayaa nin booliis ahi albaabka gurigeeda garaacay, markii ay ka furtay wuxu u sheegay inuu doonayo inuu baadho gurigeeda.

Islaanta ayaa weydiisay inuu sito warqad ogolaansho ah laakiin wuxu u sheegay in aanu sidan, ka dibna waxay ka codsatay inuu iska noqdo ilaa inta uu soo qaadanayo warqad sharci, Ninka booliiska ah ayaa diiday isla markaana khasab ku jiidhay islaanta.

Gabadhan ayaa debedda uga baxday guriga ka dibna dusha kaga xidhay. Markii uu is yidhi soo baxa ee uu arkay isagoo dusha kaga xidhan ayuu u yeedhay saraakiisha booliiska ah ee uso diray baadhista.

Saraakiisha ayaa guriga soo gaadhay iyadoo islaantu hor taagan tahay waxayna ka codsadeen inay ka furto isla markaana uu khalad dhacay oo ay raali noqoto, laakiin gabadhani way diiday raaligelinta.

Intaasi ka diban waxay dacwad u gudbisay maxkamadda iyadoo sidii booliisku ula dhaqmeen ka cabanaysa, maxkamaddu markii ay booliiska waraystay ee ay run noqotay waxay booliiska ku riday inay islaanta siiyaan magdhow dhan $ 95 kun oo doler iyo weliba raali gelin qoraal ah. Booliiska ayaa islaanta isugu daray lacag iyo raaligelin

Leave a Reply