Laascaanood(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon), ayaa jawaab adag u diray maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntand oo ku dhawaaqay hadallo lid ku ah doorashada madaxtooyada ee Somaliland iyo in ay faro gelin ku samayn doonaan deegaano ka tirsan gobollada bari ee dalka.
Waxa kaloo uu Wasiir Faratoon uu ka hadlay isu soo bixii ololaha doorashada madaxtooyada ee shalay ee magaalada Laascaanood oo uu shalay u lahaa Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay in si wanaaagsan u dhacay isla markaana warbaahinta qaar uu tilmaamay in ay si khaldan warar uga qortay.
Wasiirka Daakhiligu wuxuu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka talefoonka ku siiyay Wargayska Dawan. Ugu horrayn Wasiirka oo la waydiiyay siduu u arko hanjabaad ka soo yeedhay maamul goboleedka Puntland oo sheegtay in deegaanno ka mid ah bariga Somaliland in ay dagaal ka xigto haddii la geeyo sanaduuqda doorashada madaxtooyada gobollada Sool iyo Sanaag bari , waxaannu yidhi; “Somaliland waa dal xor ah oo ah qaran madaxbannaan oo arrimihiisa u madax-bannaan cidna uga fasax qaadan maayo doorashooyinkiisa iyo deegaanadiisa siday uga qabsoomayso, maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxaan leeyahay waxay dani idiinku jirtaa in aad ilaalisaan deris wanaagga iyo nabadgelyada doorasahda Somaliland ka qabsoomaysaana maaha mid dhul cid kale ay leedahay aanu ku faro galinayno waxay doorashadu ka qabsoomaysaa waa Somaliland cidda la dooranayaa waa Somaliland, cidda tartamaysaa waa Somaliland.”
“Markaa Puntland Hadday nabadgelyada iyo deriswanaagu deeqi waayaan, dalkayaga difaaciisa waanu u joognaa, cidna uga dul qaadan mayno in ay faro galin ku soo samayso dalka iyo dadka Somalland,Puntland,nabad iyo jaar wanaag in aanu ku wada noolaalno hadday diido colaadna waxba cidna kuma yeeli karto dhulna wax la isa siiyo maaha,”ayuu yidhi Wasiir Faratoon.
Waxa kaloo uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay munaasibaddii ololaha Xisbiga KULMIYE ee Laascaanood ee shalay oo la sheegay in shaqaaqo ka dhacday,waxaannu yidhi “Laascaanod waxaa ka dhacday munaasbad aad u qiimo badan oo sidii ugu waynayd loogu soo baxay maanta(shalay) xisbiga KULMIYE waxaanay dadka magaalada Laascaanood mujiyeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE, laakiin waxaa jirta wax aan ahayn in dhibaato laga dhigo oo la syaasadeeyo oo ah in dhallinyaro isku yara buuqday in askari xabad kor u riday taasoo iyada lafteedu degdeg ahayd oo askari aan waxba hubsani uu xabada riday, laakiin xabadaasi cidna wax may yeelin hannaankii munaasibadu u socotayna waxba kamay beddelin.
Waxa jira warbaahinta qaarkeed oo si xun wax u sheeg aad moodo inay noqotay oo warar khaldan faafiyay kuwaana waxaan leeyahay waxaad dalka iyo dadka ka qoraysaan xaqiiqadooda doona oo ALLE ka cabsada masuuliyad baa idin saarane.”
Ugu dambayn Wasiirku, waxa uu hambalyo u diray dhammaan ciidanka booliska Somaliland oo uu ku hambalyeeyay munaasibadda sanadguuradooda oo maanta dalka laga qaban doono waxaanu ALLE uga baryay in uu sanadka sanadkiisa nabad iyo badhaadhe ku gaadhsiiyo iyaga,xaasaskpoda iyo caruurtoodaba.
Dawannews Hargeysa office