Warbixin Saadaalisay Murrashaxa ugu Dhow inuu ku Guulaysto Doorashada Madaxtooyada Somaliland

0
447

Hargeysa(Dawan)-Suxufiga caanka ah ee Raage Oomaar oo haatan ka hawlgala Telefishan caalamiya oo laga leeyahay dalka Biriteyn oo uu ka yahay Tifaftiraha arrimaha caalamiga [International  Affairs], ayaa ka baahiyey TVgan oo la yidhaa [ITV] Barnaamij uu cinwaankiisu yahay, “min abaarihii ilaa xummadda doorashada” [From fighting famine to election fever], waxayna warbixintani si cad daboolka uga qaadaysaa saddexda murrashax midka loo filayo inuu ku guuleysto doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoomi doonta 13ka Nov.2017.

Raage oo muddo saddex sanno ku dhawaada ka soo warramayey abaarihii kululaa ee ka dhacay, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somaaliyaba oo in badan u kala gooshay dhulka ballaadhan ee abaaruhu ku habsadeen, gaar ahaana Gobollada bariga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu sheegay inaanu marnaba ka fikirin inuu arki doono dadka reer Somaliland oo kumanaan ah oo u jeestay dhinaca tartanka Xisbiyada ee doorashooyinka, taasoo ah mid imika ka socota dalka.

Sida sarkaal Ingiriis ahi  u sheegay Raage Oomaar dhawaan isagoo ka hadlayey arrimaha doorashada Madaxtooyada ee JSL, waxa uu sarkaalkaasi ku tilmaamay, in arrintani tahay mid dhif iyo naadir ku ah Gobolka xilligan. Dalka Boqortooyada Ingiriisku waxa uu door fiican ka qaataa sidii ay si wanaagsan ugu dhici lahaayeen arrimuhu, mar kasta oo ay goob-joogayaasha caalamiga ahi sheegaan, in cod bixintu u dhacayso si nabadgalyo, cadaaladd, iyo doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Doorashada Madaxtooyada ee JSL ee 13ka Nov., waxa ay noqoneysaa sida lagu sheegay warbixintan, inay doorashadani tahay tii abid ugu horreysay Afrika ee  loo isticmaalo diiwangelinteeda [Irish-recognition software] si looga hortago in wax foorjeri ah loo adeegsado doorashada oo ay dadka is-diiwaangeliyey ku dhow yihiin ilaa 800.000 cod.

Sadddexda Murrashax ayaa isku soo horfadhiistay dood toos ah oo socotay muddo lix saacadooda si toos ahna uga baxaysay Telefishannada.  Sida uu Raage Oomaar ku xusay warbixintan waxa uu Feysal Cali Waraabe[UCID] usoo bandhigay dooddiisa si fiican, waana siyaasi Somalilander mujaahida, lehna shakhsiyad fiican, sidoo kalena  aad u hadla. Haseyeeshee waxay goob-joogayaashu leeyihiin Xisbiga UCID waa mid isaga ku xeyndaaban, sida badanna waa gaadhi uu isagu iska leeyahay.

Waxa ay intaa ku dartay warbixintu, in C/raxmaan Cirro [Xisbiga Waddani] ay ku soo urureen, kuna hareereysan yihiin Wasiirro hore, waxana si xoog leh u dhaawacay isagoo aad ay u taageerto dawladda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo ay Somaliland ka go’day 26 sanno kahor. Sidaa awgeed waxa loo arkay Xisbiga Waddani mid xidhiidh dhaw la leh Somaaliya, inkastoo ay mar kasta beeniyaan.

Goob-joogayaasha madaxabannaan ee caalamiga ahi waxa ay rumeysan yihiin in doorashada Madaxtooyada ay u dhawdahay inuu ku guuleysto Muuse Biixi Cabdi  oo ahaa Sarkaal Ciidan, kadibna ku biiray Ururkii SNM. Waxa ay xustay warbixintani oo laga baahiyey 2dii Nov. Telefishanka la yidhaa  IT in Muuse si laxaad leh uga ololeeyey Gobollada bari ee JSL, sidaa  darteedna uu ka kasbaday taageero xoog leh.

Warbixintan waxa uu Raage Oomaar ku soo gebagebeeyey, in siyaasadda gudaha ee Somaliland si aad ah isku beddeshay oo halkii awal lagaga hadal hayey xaaladda abaaraha, ay isku rogtay in imikana  si la yaab ah looga sheekeysto doorashooyinka oo si nabadgalyo ah u socda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply