Ra’iisul wasaare Hore oo Maxkamad la soo Taagay

0
447

Ra’iisul wasaarihii hore ee Bakistaan Nawaz Sharif ayaa maxkamad ka soo muuqday isaga oo loo haysto labo dacwadood oo musuqmaasuq la xidhiidha.

Isaga iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa wajahaya dacwado la xidhiidha hanti ay ku leeyihiin magaalada London.

Waxa ay diideen in ay wax khalad ah sameeyeen, dadka taageersanna waxay sheegayaan in dacwadahani ay siyaasadaysan yihiin.

Sharif oo 67 jir ah ayaa banneeyay Ra’iisulwasaarenimada bishii Julay  ka dib markii maxkamadda ugu saraysa Bakistan ay xilka ka xayuubisay, ka dib markii ay ku heshay in ay jiraan dhaqaale soo galay oo aysan caddayn meesha uu ka helay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in waaxda qaran ee isla xisaabtanku ay baadhitaan ku samayso dhaqaalaha qoyska Sharif, dacawadna ku soo oogaan.

Sharif ayaa ka soo laabtay magaalada London Khamiistii, ka dib toddobaadyo la hadalhayay.

Subaxnimadii Jimcaha ayay maxkamadda isla xisaabtanka ee Islamabad ka soo muuqdeen Ra’iisulwasaaraha, gabadhiisa Maryam iyo wiilka uu soddoga u yahay.

Dhagaysiga koowaad ee maxkamadaynta Sharif ayaa si dhaw loogala socon doonaa gudaha Bakistan iyo dibaddaba, sida uu ku soo warramayo weriyaha BBC, Anbarasan Ethirajan.

Leave a Reply