Faransiiska oo Qorsheynaya inuu Afti Madax bannaaniyeed ka Qaado New Caledonia 2018

0
429

Dhul badeedka  ku yaal badda Baasifiga ee hoos taga Faransiiska ee lagu magacaabo New Caledonia ayaa laga qabanayaa afti madaxbannaani xorriyadeed sannadka soo socda, sidaasna waxa dhigaya heshiis ay wada gaadheen dowladda Faransiiska.

Hoggaamiyeyaasha  New Caledonia ayaa kula qaatay Baariis wadahadallo  socdey sagaal saacadood wasiiro ka tirsan dowladda Faransiiska khamiistii.

Heshiiskan siyaasadeed ayaa dhabbaha u xaadhaya madaxbannaani ay ka qaadato jasiiraddaasi dalka Faransiiska.

Aftida ayaa loo qabtay bisha November sannadka 2018 in ay ugu danbeyn codeyntu ka dhacdo  dhulka New Caledonia, oo dhacda bariga  Australiya, waxaana ku nool dad gaadhaya tiro ahaan ilaa  275,000 oo qof.

Sannadkii 1980 meeyadii ayaa waxa isku dhac dhexmarey ciidamada Faransiiska  iyo dadka asal ahaan ka soo jeeda dhulkaasi ee la yidhaa Kanaks. Waxa ay dadkani ka yihiin bulshada ku dhaqan jasiiradda 45%.

Haddiiba  aqlabiyadda dadkani doortaan xorriyad waxa ay noqoneysaa dhulkii ugu horeeyay ee ka baxey Faransiiska tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen Djibouti (1977) iyo Vanuatu (1980).

Leave a Reply