Wasiirka Boosaha oo Dhallinyarada Boorama kala Qaybgalay Kulan ay Kulmiye ku Taageerayeen

0
378

Boorama(Dawan):- Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhiisnta Somaliland Mustafe Faarax Abraar,ayaa dhallinyada Boorama kala qayb galay kulan ay ku taageerayeen Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE.

Kulankaas oo ku qabsoomay hotel Rays ee magaalada Boorama,ayuu wasiirka Boosuhu kaga warramay waxqabadka Xukuumadda KULMIYE laga arkay iyo mashaariicda muuqda ee ay dalka ka hirgalisay mudadii  xisbiga KULMIYE uu talada hayay,waxaanu intaa ku daray in KULMIYE uu yahay xisbi lasoo  tijaabiyay waxqabadkiisana la arkay laguna aamini karo mar labaad mustaqlabka dalka.

“Waxaan aad iyo aad idiinkaga mahad celinayaa siada wanaagsan ee aad isu soo abaabusheen idinkoo ah dhallinyaradii dalka ee gobolka Awdal,waxaan idiin sheegayaa Xisbiga KULMIYE waa xisbi qaran maaha xisbi qabiil cod qabiil kuma doonayno waxaanu ku doonaynaa codkiina iyo codka reer Somaliland oo dhan waa barnaamij cad oo qoran oo dhanwalba ka dhammaystiran,dhallinyaradu waxay noogu jiraan muhiimadda koobaad waxaad tihiin mustaqbalkii dalka waxaanu walaalayaal idin leenahay sidaa aad isu soo abaabusheen eed caqligiina iyo maskaxdiina ugu doorateen in aad codkiina KULMIYE siisaan ayaa inoo ballan ah idinkoon kala qayb qayb sanayn oon qabiil qabiil u kala baxayn oo dhallinyaradii dalka ah oo isku duuban haddaad tihiin dhallinayardii Boorama ayaan idinku faraxsanahay sidaad u taageerteen musharixiinteena KULMIYE ee Muuse iyo Saylici annagana waxaa naga go’an in aanu dhallinyarada wax u qabano.”ayuu yidhi Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply