UCID oo Maalintii Lixaad Isu-soo baxyo ka dhigay Gobollada Dalka

0
368

Hargaysa (Dawan)- Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka Somaliland ee UCID,  ayaa  wareegiisii lixaad ee ololaha tartanka loogu jiro doorashadda madaxtooyadda ka sameeyay  magaalooyin badan oo dalka ka mid ah, iyadoo taageereyaasha xisbigaasi ay cududoodda ku muujiyeen.

Waxaanay   magaalooyinka   qaarkood isu soo baxyadii u beddeleen taakulo iyo sadaqo isugu jiray raashin kala duwan iyo xoolo nool oo loo qaybiyay meelaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah, xabsiyadda iyo cusbitaaladda.

Salaxley, Qool Caday iyo Toon:

Wefti uu hogaaminayay xoghaye ku-xigeenka xisbiga UCID C/naasir Yuusuf Cismaan  (Qodax), oo ay wehelinayeen masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbigaasi waxay  shalay socdaal la xidhiidha ololahoodda doorashadda madaxtooyadda  ku soo mareen  mareen degaamadda Salaxley, Toon iyo Qool caday oo ka tirsan gobolka Maroodijeex.

Waxaana weftigaasi si balaadhan loogu soo dhaweeyay degaamadaasi kala duwan  ee ay soo mareen, iyadoo masuuliyiintii ka socday xisbiga UCID ay dadweynaha u ban dhigeen  waxyaabaha uu xisbigoodu doonayo in uu wax ka qabto haddii uu doorashadda ku guulaysto.

Masuuliyiin uu ka mid ahaa xoghaye ku-xigeenka xisbiga UCID C/naasir Qodax, ayaa dadweynaha kala hadlay meelihii ay socdaalkoodda ku soo mareen, waxaanay taageereyaashii soo dhaweeyya uga mahd naqeen sida qiimaha leh ee ay u muujiyeen taageeradda ay u hayaan.

C/naasir Yuusuf Qodax, xoghaye ku-xigeenka xisbiga UCID oo la hadlayay boqolaal dadweyne ah oo ku soo dhaweeyay degmadda Salaxley ayaa sheegay in xisbigoodu uu ku abtirsado degmadaasi, isla markaana doorashooyinkii hore uu ka heli jiray codadka ugu badan imikana  ay ka filayaan in ay codad intii hore ka  badan ka heli doonaan.

Waxaanu tilmaamay in codadkii iyo taageeradii ay doorashooyinkii hore siiyeen xisbiga UCID aanay ku  khasaarin, balse ay xisbiga ku soo saareen. Isagoona ku fasiray in u jeedadda ugu muhiimsan ee xisbi siyaasadeed loo samaystaan aanay ahayn oo keliya  in uu kursiga   madaxtinimadda ku guulaysto, hase yeeshee ay jiraan muhiimado kale oo ay leedahay jiritaanka xisbiga.

Kuwaasoo ay ka mid yihiin in xisbigii ay u codeeyeen uu ka dhex muuqdo saaxadda siyaasadda Somaliland, isla markaana  uu  qayb ka yahay jaan-goynta siyaasadda wadanka lagu hago, maadaama oo xisbiyadda siyaasadda Somaliland  ay door ku leyihiin  qaran-nimadda.

Geesta kale xubno isugu jiray aqoon yahano, madax dhaqameed  iyo dadweynihii kale ee masuuliyintaasi ku soo dhaweeyay  magaalooyinka Salaxley, Qool-caday iyo Toon ay u cadeeyeen in ay si weyn u taageersan yihiin UCID, isla markaana ay codkoodda siinayaan maalintadda doorashadda.

Iyagoo ku tilmaamay xisbiga UCID in ay u arkaan in uu yahay mid wadanka wax badan ka qaban kara, isla markaana ku suntan in uu ka dhabaynayo qorshaha ah in uu dalka ku hago  sinaan iyo cadaalad iyo in uu horumariyo  adeegyadda  kala gedisan ee  ka maqan  bulshadda reer Somaliland  baahida weyn-na ay  u qabaan. Hargaysa:

Xisbiga Caddaalada iyo daryeelka Somaliland ee UCID oo ay maanta u ahayd maalintii lixaad ee ololaha doorashadda madaxtooyadda  ayaa deeq raashin ah gadhsiiyay  dadka danyarta ah ee ku nool degaanka Aw Barkhadle ee bariga Hargaysa.Waxaana  kaalmadaas gaadhsiiyay masuuliyiin ka tirsan xisbigaasi oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha xafiiska degaanka Aw Barkhadle ee xisbiga UCID  Cawil Cabdi Axmed, xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Kayse, Xukun Cali Daahir   oo ka mid ah xisbiga UCID iyo xubno kale.

Deeqdan ay shalay gaadhsiiyeen qoysaska danyarta ah ee ku nool  Aw Barkhadle ayay ku tilmaameen mid uu u soo wakiishay musharaxa jagadda madaxweynaha, iyadoo  deeqdaasi ay masuuliyiinta xisbiga UCID ee xarunta Hargaysa ku hagaajiyeen xafiiska xisbigaasi ku leeyahay degaanka Aw Barkhadle.

Waxaanay  sheegeen in lacagtii ay ku bixin lahaayeen ololaha u bedeleen in ay ugaga faa’iideeyaan dadka danyarta, isla markaana dareenkoodda baahiyeed la wadaagaan. Iyadoo ay bulshadda degaanka Aw Barkhadle ka codsadeen masuuliyiinta UCID in ay codkoodda siiyaan xisbigoodda.

Geesta kale qaar ka mid ahaa dadweynaha degan xaafadda Aw Barkhadle ayaa xisbiga UCID uga mahad naqay deeqda uu soo gaadhsiiyay, iyagoona balan qaaday in ay codkoodda siinayaan maalinta doorashadda madaxtooyadda.

Kuwaasoo muujiyay  taageeradda laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga UCID oo ay ku tilmaameen in ay u arkaan mid dalka iyo dadkaba horumar gaadhsiin kara.

 Baligubadle:

Sidoo kale  xisbiga UCID ayaa shalay cududiisa taageero waxa uu ku soo bandhigay magaaladda Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd, halkaasoo ay boqolaal dadweyne ah khudbado uga jeediyeen masuuliyiin  ay ka mid ahaayeen xildhibaan Farxaan Muxumed Good oo ka tirsan golaha degaanka Baligubadle  iyo masuuliyiin kale.

Waxa kaloo halkaasi hadallo ka jeediyay xubno isugu jiray aqoon yahano, odayaal, waxgarad iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo dhamaantoodba si isku mid ah u cadeeyay sida ay taageeradda ula bar-bar taagan yihiin xisbiga UCID.

Waxaanay sheegeen in sababta ay xisbiga UCID u taageerayaan codkoodana u siinayaan ay tahay, iyadoo ay u arkaan in xisbigaasi uu cadaalad iyo sinaan dalka ku maamuli karo, isla markaana musharaxa xisbigaasi ku yaqaanaan nin daacad ah.

Dhinaca kale magaalooyinka Burco, Berbera, Boorama, Ceerigaabo, Gabiley, Wajaale  iyo kuwo kaloo dalka ka mid ah ayaa shalay xisbiga UCID waxa uu ka sameeyay isu soo baxyo ay taageereyaashiisu ku muujinayeen cududoodda. Waxaana dadweynaha isu soo baxyadaasi kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID.

Iyadoo  magaalooyinka dalka  qaarkood uu shalay  xisbiga UCID ololihiisa  u bedelay in uu xoolo nool iyo raashinba ku caawiyo dadka jilicsan iyo kuwa xabsiyadda ku jira ee magaalooyinkaasi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply