Shan Dawladdood Oo Khariidada Dunida Laga Waayayo!

0
380

Haddii aad aragto khariidad dunida ee hore ama aad si qoto dheer u akhrido cilmiga Juquraafiga waxaad ogaanaysa inay jiraan Waddamo la waayay iyo kuwo kale oo samaysmay. Maaha arinku mid la xidhiidha keliya colaadaha siyaasadeed ee ka jira keliya, waase arin ku xidhan Juquraafiga iyo goobta ay ku yaallaan oo dhulgariir, folkaano, daadadka iyo dufaano joogto ahi ka dhacaan. Dalalka Haite, Kiribati, Koonfurta Sudan, Island iyo Holand ayaa la sheegay inay kharidada ka baxayaan wakhtiyada soo socda.

Haite :

Hiete waa dawlad sabool ah oo ku taalla badda carabiyenka waxaana kulayl xad dhaaf ah ku haya badaha waaweyn ee ku xeeran jasiiradda Haite.  Duufaano joogto ah oo mar kasta sii xoogaysta ayaa iyana ka dhaca.  Dalkan waxa kale oo haysta dagaalo joogto ah iyo saboolnimo halkii ugu hoosaysay. Dhulka jasiiradan ayaa sii yaraada maalin kasta oo  isu bedela biyo badeed.

Kiribati:

Kiribati island waa jamhuuriyada ku taalla badhtamaha badda Pacifiga, waxaana la sheegay inay tahay dawladda ugu horaysa ee dunida ka baxaysa khariidada dunida shanta dawladood. Waxaana wakhtigan jira in laba jasiiradood oo ka tirsanaa ay badda ku darsameen oo baab’een.

Madaxweynaha dalkaasi Mr.Tung ayaa dalalka New Zealand iyo Australia ka codsaday inay dadkiisa siyaan deegaamayn rasmi ah maadaamaa aanay dalkoodii baab’ayay isla markaana ay caawiyaan.

Jasiiraddan ayaa xoriyadeeda qaadatay 1979, waxaana dakhliga jasiiradani ku tiirsan yahay dalxiiska iyadoo ah dhul hodan ah oo ay ku badan yihiin beeraha iyo geedaha Qumbaha ee saliidda laga sameeyo oo ay dhoofiso.

 

Leave a Reply