Xukuumadda oo Daba-gal ku Haysa Dhulka Sharci Darrada ku Baxay ee Danta Guud

0
447

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa sheegtay in daba-gal iyo hubin lagu samaynayo dhammaan wixii dhul iyo dhisme dan guud ah ee ku baxay sifo khaldan oo sharci darro ah ama la dhacay. sidoo kale waxay amar ka soo saartay dhulka Raasiga Berbera oo ah dhul danguud ah.

 

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland, Md. Cabdirashiid Ducaale Qanbi, ayaa  go’aankaas ka sheegay shirjaaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa, waxaanu ku dhawaaqay in muddo afar bilood ah la joojiyay qorshaynta beeraha iyo dhulka, isla markaana aan la bixin karin wax dhul danguud ah. Sidoo kalena waxa uu Maayarrada dalka ka codsaday in ay warbixin ka keenaan qorshayaashii iyo dhulkii ay kala wareegeen maayirradii ka horreeyay.

“Dhulka Raasiga Berbera oo ay maanta (shalay), wareegtadiisu na soo gaadhay, waa dhul dan guud ah, mana jirto cid dhulkaasi isticmaali karta iyo cid awood u leh oo ku takri-fali kartaa, ciddii amar u haysatay iyo ciddii balanqaad u haysatay ama si kale ay ku soo gashay dhammaan dhulkaasi inta uu leeg yahay oo ku dhaw saddex kun iyo dheerad mitir cid isticmaali kartaa ma jirto, cid la siiyay iyo cid awood u leh midna ma jirto, madaxweynaha ayaa wareegto ka soo saaray dhulkaasi.  dhulkaasi waa dhul dawladeed oo hantida qaranka ka mid ah, cid isticmaali kartaanna ma jirto, maayarrada dalka waxaan u qoray laba warqadood oo la xidhiidha intan aan ku hadlayo iyo socod-siintooda,” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud.

 

 

 

Waxa kaloo uu   ugu baaqay Maayarrada iyo  golayaasha degaanka ee dalka inay soo gudbiyaan dhammaan ba qorshayaashi danta guud ee ay kala wareegeen maayiradii iyaga ka horreeyay, waxaanu yidhi; “Waxaanu maayarrada iyo golayaasha degaanka ka sugaynaa inay soo gudbiyaan dhammaan qorshayaashii degmooyinka danta guud ee ay kala wareegeen Maayarradii hore, iyo inta gacantooda soo gashay muddadii ay ay joogeen oo aanu ka codsanaynaa inay noo soo gudbiyaan.”

 

 

 

Wasiir Cabdirashiid, waxa uu amar ka soo saaray qorshaynta dhulka iyo bixinta dhulka danta guud, waxaannu yidhi “Waxa kaloo aan halkan ka xusayaa in afarta bilood ee soo socda dhammaan waddanka oo dhan aan wax dhul ah laga qorshayn karin lana bixin karin oo ay wasaaraddu xidhay, waa in ay maamuladda dawladaha hoose ee dalka oo dhammi ay ogaadaan, in qorshaynta beeraha iyo dhulku ay afartaa bilood xidhan yihiin, in wax kasta oo dhul ku saabsan wax laga qaban karaa aanay jirin, shirkanna umaanaan qaban in aanu dawladaha hoose is qabqabsano, hawl ay dawladaha hoose leeyihiinna ma hayno, ee waxaanu wadnaa uun sidii ay wax u hagaagi lahaayeen iyo wixii lagama maarmaan ah in la hagaajiyo oo ciddii laheyd ay lahaato, dhulka dawlada ee sida dad ban u baxay waxaa aanu wadnaa diwaangalintooda.”

 

“Waxaanu doonaynaa in dalka laga saaro oo la hagaajiyo dhibaatada dhulka ah ee dhawr iyo labaatanka sanno ka taagnayd iyo waxyaabaha kale ee sharci darro ka jirto ee dhul ah iyo waxyaabaha qarsoon oo ah dhul amar darro ku baxay, iyaga laftigooda waanu daba galaynaa, wax alla wixii sharci darro ku baxay ee dhul iyo dhisme ah ee aan shuruucda la waafajin, wixii la dhacay iyo wixii mugdi la geliyay dhamaan waanu daba soconaa, cid kasta oo sharci darro ku haysata ama iib khaldan ku baxay diwaan gelin iyo daba-gal ayaanu ku samaynaynaa,”ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud, Cabdirashiid Ducaale Qambi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply