Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Saddex Agaasime, Hanti-dhawraha Guud iyo Maareeyeyaal Cusub

0
667

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay lix masuul oo cusub oo ka mid noqon doona xukuumadiisa cusub.

 

masuuliyiintani  waxay iskugu jiraan saddex agaasime guud, hanta-dhawraha guud, iyo maareeyeyaal loo magacaabay Hay’adaha dawliga ah, sidaasna waxa lagu sheegay wareegto uu shalay soo saaray oo u qornayd sidan;-

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.

Madaxweynuhu Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh); Markaan Arkay:Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Shaqo;

Markaan ku Qancay:In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey: In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

1.Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda.

2.Axmed Yuusuf Dirir Maxamed, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

3.Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax,       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka.

4.Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

5.Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi, Guddoomiyaha Hay’ ada  u-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka.

  1. Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.”

 

 

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray xeer madaxweyne oo uu ka soo saaray Xeer-nidaamiyaha dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha gaarka ah ee xukuumadda.

 

Sidaasna madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ku sheegay xeer-madaxweyne oo uu soo saaray shalay oo u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta (shalay) xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/XM/249-11/012018  uu ka soo saaray Xeer-Nidaamiyaha, Dhismaha Wasaaradaha Iyo Hay’adaha gaarka ah ee xukuumadda, kaasoo qeexaya

 

  1. Wasaaradaha la isku-raray xilkoodii iyo waajibaadkooda shaqo.
  2. Hay’adaha madaxa-bannaan ee wasaaradaha lagu daray oo ka mid noqonaya waaxo ka mida wasaaraddaha lagu daray,
  3. Wasaaraddaha loo beddelay hay’ad madax-bannaan sida:- wasaaraddii hore ee Dib-u-dejinta oo loo beddelay hay’ad madax-bannaan oo la yidhaahdo hay’adda qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
  4. Hay’adaha Madaxa bannaan ee iyaga laftooda la isku daray iyo
  5. Xilka iyo Waajibaadka shaqo ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaani ay ku shaqaynayaan oo la qeexay.

 

Madaxweynuhu:       

Markaan Arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

 

Markaan Arkay: Qodobka 104 faqradiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka       Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr.71/2015, oo dhigaya in dhismaha wasaaradaha, habka iyo hannaankooda xil-gudasho, uu Xeer Madaxweyne ku soo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland;

 

Markaan Arkay;Qodobka 18aad ee Xeer Lr.71/2015 oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo  xukuumadda iyo laameheeda shaqooyinka;

 

Markaan Ku Qancay; Muhiimada ay leedahay in xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, si looga hortago habaca iyo kala daadsanaanta shaqada, iyo is-dul-fuulka xilalka iyo waajibaadyada haya’daha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 18aad, farqadihiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeer Lr.71/2015;

 

Markaan Go’aansaday; In ay xukuumaddu yeelato wasaaradaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadooda, iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr.71/2015;

 

 

Waxaan Soo-saaray

Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr. 01/2018.

ALLAA MAHAD LEH

Leave a Reply