Hargeysa(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa cambaareysay safarka Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, uu ku marayo gobollada Sool iyo Sanaag, isla markaana sheegtay inay tahay xad-gudub.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo shalay warbaahinta ugu warramay xafiiskiisa, ayaa sheegay in socodaalka Wasiirkaasi uu yahay mid xad-gudub ku ah Somaliland isla markaanna aanay aqbali doonin, waxaannu yidhi; “Runtii arrintaas aad iyo aad baan uga biyo diidan nahay. Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland xad baa u dhexeeya caalamiya oo la yaqaanno in xadkaas laga soo gudbo waxay tahay xad-gudub, arrinkaasina wuxuu khal-khal gelinayaa cilaaqaadkii aanu lahayn annaga iyo Soomaaliya, waxayna ku dambayn doontaa uun iska hor imaad. taasi oo aan dan u ahayn dadka degaanka iyo gobolka toona.”
Wasiir Sacad ayaa sheegay in aanay rabin colaad ka dhalata gobollada Sanaag, Badhan iyo Sool. Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa ku soo beegmay , booqasho la sheegay inuu magaalooyin ka tirsan Gobolka Sanaag ku yimmi Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya iyo xubno la socday, oo u yimmi caleemo-saarka madax-dhaqameed lagu qabanayey degaankaas.
Dawannews Hargeysa office