Abaartii Kal-hore oo Hoos u Dhigtay Wax-soo-saarkii Beeraha

0
516

Hargeysa (Dawan)- Isu-duwaha wasaaradda beeraha jamhuuriyadda Somaliland ee gobolka Maroodi-jeex, Cabdirisaaq Sheekh Muxumed,  ayaa sheegay in  wax soo-saarkii beeraha ee degaannada Somaliland uu  hoos u dhac aad u weyni ku yimid sannadkii hore, taas oo ay keentay  abaarihii kal-hore.

 

 

Cabdirisaaq Sheekh Muxumed, waxa uu sheegay in roob-yaraanta dalka ka dhacday ay keentay in la waayo tacabkii wax soo saarka beeraha ee degaannada Oodweyne, Hawd, Maroodi-jeex, waxaanu xusay in afartan boqolkiiba dadka ku nool Somaliland ay noloshoodu ku tiirsaneyd wax-soo-saarka beeraha.

“Waxay isugu jiraan qaar cunno ahaan u isticmaala, kuwo kalena waa ay ka  ganacsadan, halka  dadka xoolo dhaqatada ah ee reer miyiguna ay  balka siin jireen xoolahooda” ayuu yidhi isu duwaha wasaarda Beeraha jamhuuriyadda Somaliland isaga oo u warramayay idaacada Ergo.

Maxamuud Jibriil Cismaan oo ka mid ah dadka xoolo-dhaqato beeraleyda ah ee ay saameeyeen roob-yaraanta iyo abaaruhu ayaa sheegay in dalagii beertiisa ee bishii siddeedaad ee sannadkii hore uu qallalay markii ay deyrtu baaqatay.

Maxamuud oo ah aabbe qoyskiisu ka kooban yahay todoba qof, isla markaana ay noloshiisu ku tiirsanayd beertiisa oo ku taala deegaanka Jufada ee gobolka Gabilay, ayaa si uu uga badbaadiyo saameynta cunayarida reerkiisa waxa uu sayladaha xoolaha iyo suuqa geeyay mid ka mida saddex iyo afartan neef oo xoola ahaan uu leeyahay, isaga oo marar aan badneyn caawimo ka helay qaraabadiisa.

 

 

 

 

Cabdiraxmaan Xasan Aweys ayaa  aaminsan  in dadka xoola dhaqatada reer miyiga ah ee beeraha ku tiirsanaa ay wajihi karaan xaalad kale oo la midda tii sannadihii la soo dhaafay ka dhacday Somaliland iyo degaanadeeda, iyada oo wakhtigan dalagga suuqyada laga helo intooda badan laga keenaa dhinaca waddanka Itoobiya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply