Qisada : Sirtii Qarsoonayd Ee Basaasadda Rosario Ames! Qaybta 2aad

0
547

Maxbuusadda Maria Del Rosario Casas Ames, oo 41 sanno jir ah,  waxay ahayd xaaska sirdoonka caanka ah ee  Aldrich Hazen Ames oo loo xidhay subaxaasi. Markii xabsiga FBI la keenay waxa la fadhiisayay  kursi loogu talo galay oo la dhigay qol yar oo aan daaqad lahayn kuna dhex yaal xarunta xabsiga Alexandria.  Waxa markiiba loo xidhay dharka doogada ah ee jeelka oo ay ka dul xidhnayd shaadh cad iyo kabo iyaguna cadaan ah, timaheedii dheeraana waa laga gaabiyay isla markiiba,  Wakhtigaasi Rosario wejigeedu wuxuu u muuqday sida qof  xanuunka geeridu hayo.

Indhaheeda ayaa ka marag kacay xaaladda ay ku jirtay, way casaadeen hoosna way u dhigaysay iyadoo ka fikiraysay in maalinta Jimcaha lagu xukumo inay geysteen denbiyo basaasid iyo cashuurta dawladda oo ay khiyaameyeen iyada iyo ninkeedu.

Wada xaajood dhex maray iyada iyo garyaqaan loo soo diray waxay qiratay denbiga halkii iyada oo ninkeeda la socota maxkamadda la wada geyn lahaa, oo lagu tilmaamay inuu yahay Basaaskii ugu caansanaa ee taariikhad ku kaca falal burburinya CIA iyo qaranka Maraykan. Waxaana xukunkiisu noqon karaa xabsi daa’in.

Laakiin iyada marka la eego heshiiskii qirashada denbiga waxa ay waajahysaa xukun ugu yaraan noqon kara 63 bilood. Waxase garsooruhu ikhtiyaar u leeyahay in uu xukumi karo ilaa 10 sano. Hadda waxay heshay Qareen cusub  John Hume oo ku casuumay laba weriye , Wargeysa iyo Telefishan ka socda kaasi oo doonayay inay waraysi ka qaadaan inta aan xukunka lagu ridin. Xaakinka Cluade M. Hilton, waxa uu sheegay in marka qisada ay dhinaceeda si dhab ah uga hadasho inuu Qaadiga Hilton ula dhaqmi doono si naxariis leh.

Waxa keliya ee la gudbooni waa inay si taxadar leh oo run ah wax u sheegto. Waxay si fiican oo degdeg badan ugu hadlaysay English iyadoon joogsi lahayn, sababtuna waa iyada oo ka mid ahayd midhaha ardaydii dugsiga Maraykanka ah ee Bogota.  Su’aal kasta waxay uga jawaabaysay si wanaagsan iyadoo hal daqiiqo sharax kooban ku bixinaysay, madaama faahfaahintu ay tahay tan ay ku badbaadayso. Waxayse mararka qaarkood u muuqanaysay mid warersan oo ka naxsan xaaladda ay markaasi ku jirto.

Waxay  ku kacaysay inay su’aalaha qaarkood diido iyadoo cadhaysan oo weliba murugo ka muuqato. “ taasi isaga weydiiya, maxaad aniga arinkaasi ii weydiinaysaa ma xafiiskiina ayaan ka shaqaynayay  oo aan wax ka oga ahay”. Iyadoo cadhaysan oo quusi ka muuqato ayay kelmadahaasi ka soo baxayeen.   ( la Soco)

Leave a Reply