Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Madal Caalami ah ku soo Bandhigaya Dimuqraadiyada Somaliland

0
363

London(Dawan)- Machad caalami ah oo ku yaalla  dalka Ingiriiska,  ayaa shaaca ka qaaday inuu martigelin doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire badhtamaha bishan January.

 

Qoraal lagu baahiyey mareegta Machadka Cilmi-baadhista Afrika (ARI) oo ka mid ah fagaarayaasha lagu falanqeeyo siyaasadaha caalamka, ayaa lagu sheegay in Dr. Sacad uu 19ka Bishan kaga hadli doono kulankan   dimuqraadiyadda iyo doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 13kii November ee kal-hore iyo halka ay doorashada kadib Somaliland u dhaqaaqi doonto.

 

Waxa kaloo warku intaas ku daray in isla kulankaas ay khudbad ka jeedin doonto gabadh la yidhaahdo Nimco Cali oo u ololeysa cidhib-tirka gudniinka Fircooniga.

Sidoo kale Dr. Michael Walls, oo ahaa madaxii goob-joogayashii caalamiga ee doorashadii madaxtooyada Somaliland ee bishii November dalka ka dhacday,  ayaa la sheegay inuu kulankaa ka hadli doono.

Kulankan machadka ARI ku martiqaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Sacad Cali Shire,  ayaaa noqon doona fursad Somaliland ugu bandhigto beesha caalamka sidday ugu diyaarka tahay madaxbannaani ay ka helaan dunnida, ka dib markii ay guul ku dhammaataay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply