Jaamacadda Carabta oo ku Howlan Burinta Tallaabadii Trump ee Qudus

0
582

Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka  Carabta ayaa ku baaqay aqoonsi caalami ah oo la siiyo dowlad Falastiin ah oo ay caasimadeedu tahay Bariga Qudus, taasi oo ay ula jeedaan in ay waxba kama jiraan kaga dhigaan go’aankii muranka dhaliyay ee Mareykanka ee ku saabsanaa meeqaamka magaalada barakeysan.

Wasiirka arimaha dibadda Joordan Ayman Safadi, oo marti gelinayay guddiyo saraakiil ah oo ka socdey Masar, Marooko, Sucuudi Arabiya, Imaraatka carabta iyo Falastiin oo kulan  ku yeeshay caasimada Joordan ee Ammaan sabtidii ayaa ka wada xaajoodey jawaabta jaamacadda carabtu ka bixineyso go’aankii madaxweynaha maraykanka Donald Trump ugu aqoonsanayay Qudus caasimadda Israa’iil bishii hore.

Guddidan oo lagu magacaabay shirkii degdegga ahaa ee jaamacadda carabtu ku yeesheen Qaahira bishii Disenbar maalmo kadib baaqii Trump, ayaa laga rajeynayaa in ay meesha kaga saaraan go’aankaasi, kuna caddeeyaan in aanu laheyn wax sal ah oo sharciyeed.

Warku waxa kale oo uu intaa raaciyay in wasiiro dibadeedka carbeed soo jeedin doonaan  kulan dhameystiran oo jaamacadda carabtu  yeelato dhamaadka bishan.

Leave a Reply