Ingiriiska oo Xafiis Qunsuliyad ah ka Furanaya Somaliland

0
302

London-(Dawan):- Xukuumada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay ku talo jirto dib-u- eegista qorshe ay xafiis Qunsuliyadeed kaga furanayso caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Fadhi baarlamaanka Ingiriisku yeeshay Khamiistii ayaa xildhibaan Stephen Doughty, oo si weyn u taageera qadiyada madaxbanaanida Somaliland weydiiyey su’aal la xidhiidhay qorshayaasha ay u qaadayaan sidii ay Qunsuliyad uga furan lahaayeen Hargeysa.

Harriet Baldwin oo ah Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibeda ee dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay ku talo-jiraan hawl lagu dersayo qorshe ay dawladda Ingiriisku xafiis qunsuliyadeed kaga furanayso magaalada Hargeysa, waxaanay tidhi, “Xafiiska Arrimaha Dibeda iyo Barwaaqo-sooranku, talooyin socdaal waxay ku xaqiijiyeen in safaarada Ingiriiska ee Muqdisho aanay awoodin inay adeegyo Qunsuliyadeed ka abuuraan Soomaaliya iyo Hargeysa. Si kasta, go’aanka dib u eegistiisa ayaan ku jirnaa.”

Xildhibaan Stephen Doughty ayaa hogaaminayey xubno ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo booqasho dhowaan ku yimi dalka, isla markaana gadh-wadeen u ahayd Safiirka Somaliland ee UK Ayaan Maxamuud Cashuur.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply