Wasiirka Maaliyadda oo Beeniyay in Cashuur lagu Kordhiyay Maceeshada

0
319

Burco (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Jamhuuriyada Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa sheegey in aanay jirin wax cashuur ah oo ay xukuumaddu ku kordhiyey maciishada daruuriga ah, waxaanu been abuur cad ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu sheegay in wasaaradda maaliyaddu ay hadh iyo habeen ku hawlantahay suulinta iyo la dagaalanka sicir bararka, arrintaasina ay u baahan tahay mid u baahan aqoon, cilmi baadhis iyo in wakhti la siiyo, isla markaana aanu ahayn wax inta uu maanta yimi isla maantana laga bogsanayo.

Mudane Yuusuf waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Burco, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sicir bararka waxaanu la wadaagnay oo aanu soo qaadanay dhamaan dalalkii uu ka dhacay sicir bararku, maxaynu la wadaagnaa, maxaynu qaadanaa, had iyo habeen waanu ka shaqaynayna waanuna wadnaa, waanu ku foogannahay.”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Sicir bararku maaha wax maanta yimi oo maantana bogsanaya, waa wax u baahan aqoon iyo cilmi iyo in wakhti la siiyo. Qolada Xisbiga Waddani haddii ay hayaan cilmi baadhis ay sameeyeen oo ku saabsan sicir bararka, bal ha keenaan aanu la eegnee ileen dalka waa la wada leeyahaye, laakiin wixii aanu qabanay in aad laba cisho ku deedafayso oo aad dad dhex marto maaha. Dad aad calaamadsatay in aad dhex marto oo aad tidhaahdo ii dhaha cashuurtii baa la kordhiyay boqolkiiba afartan cashuurtii, wax shaqaynaya maaha.”

Mudane Yuusuf Maxamed waxa uu tilmaamay in ay wax laga xumaado tahay in guddoomiyaha xisbiga WADDANI ka hadlo wax aanu xaqiiqadeeda ogayn, waxaanu yidhi “Malaha iyo waxa ay ila tahay waa ku tidhi ku teen iyo been abuur, mana aha war sugan. Warkaagu waa in uu ahaadaa war sugan oo ku dhisan aqoon iyo cilmi baadhis sax ah. Wasaaradda horumarinta maaliyaddu waxa qabatay wax badan, mucaaridku haddii aanay ogayn anaga ha na waydiiyaan ayaga ayaa u sheegi lahayn oo la wadaagi lahayne. Qofka leh cashuur baa la kordhiyay ha sheego, cashuurta qudha ee aanu kordhinay waa cashuurta qaadka. Sida la ogyahay guddidii loo saaray sicir bararka aniga ayaa guddoomiye u ahaa, qodobadii aanu soo saarnay dhamaantood intoodii badnayd waanu fulinay qaarna way noo hadhsan yihiin. Waxaanuna la kaashanay dad aqoon u leh cilmiga dhaqaalaha iyo maaliyadda.”

Leave a Reply