Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Yeeshay Guddida Qandaraasyada Qaranka

0
384

 “Madaxweynayaa ayaa guddida qandaraasyada ku adkeeyey inay firfircooni iyo dardar cusub ku ibo furaan hawlaha adag ee sugaya”

 

By. Bahda Dawan

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay xubnaha iyo madaxda guddida qandaraasyada qaranka ee uu dhawaan magacaabay.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska madaxweynaha, ayaa ahaa mid uu madaxweynuhu xubnaha guddida ku dhiirri-gelinayay inay hawlahooda shaqo gudo-galaan, isla markaana dardargeliyaan shaqada adag ee ay qaranka u qaabilsan yihiin.

Madaxweynaha Somaliland isaga oo hawlaha ay xubnahani qaranka ugu igman yihiin-na ku tilmaamay kuwo laf-dhabar u ah habsami-u-socodka iyo daah-furnaanta hannaanka wax iibsi ee hay’adaha kala duwan ee qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha guddida qandaraasyada qaranka ku adkeeyey inay firfircooni iyo dardar cusub ku ibo furaan hawlaha adag ee sugaya, isla markaana baylah tiraan dhammaanba shaqooyinka horyaalla, una dhabar adaygaan caqabadaha ka hor iman doona.

Waxaanu madaxweynuhu u ballan qaaday inuu ka madaxweyne ahaan diyaar ula yahay wixii taageero ah ee ay dhinaciisa uga baahdaan.

Dhinacooda xubnaha guddida qandaraasyada qaranku, waxay madaxweynaha uga mahad celiyeen magacaabistooda. Waxaanay ballan qaadeen inay hannaan hufan oo caddaalad iyo sinnaani bud-dhig u tahay u gudan doonaan waajibaadkooda shaqo, iyagoo madaxweynaha hortiisa ka ballan qaaday in ay si hagar la’aan ah u oofin doonaan awaamiirta madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland

Leave a Reply