Cole Palmer Oo Ka Sheekeeyay Dhacdo Qosol Badan Oo Cunto Karis Ah

0
12

Xiddiga kooxda Chelsea iyo xulka England, Cole Palmer, ayaa ka sheekeeyay dhacdo qosol badan oo la xidhiidhta cunto-karinta, kaddib markii isku daygiisii ugu dambeeyay ee uu gurigiisa wax ku kariyo uu ku dhammaaday inuu ku sumoobo cuntadii uu sameeyay. Palmer ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee uu wax kariyo uu diyaariyay salmon, balse markii uu cunay kaddib uu la kulmay xaalad caafimaad darro oo uu ku tilmaamay sumow cunto. Waxa uu xusay in aanu garanayn waxa uu khalday ama sababta kalluunka u xumaaday, hase yeeshee dhakhtar uu la tashaday ayaa u sheegay in salmon-ka uu cunay uu ahaa sababta xanuunkiisa.

Palmer Iyo Sheekada Qosolka Leh Ee Cunto-Karintiisa

Inkasta oo Palmer uu horey u qaatay casharro cunto-karin ah, haddana wuxuu sheegay in anuu muddo dheer wax karin isla markaana khibradiisa wax karintu aanay fiicnayn, balse dhacdadan kaddib uu ogaaday in cunto-karintu aanay ahayn wax isaga loogu talagalay.

Sheekadan ayaa si weyn loo hadal hayaa, gaar ahaan maadaama Palmer uu caan ku yahay dabeecaddiisa kaftanka badan iyo hadallada qosolka leh. Sannadkii hore ayaa sidoo kale si weyn loo faafiyay muuqaal laga duubay isaga oo jooga maqaaxi qaali ah, isla markaanaq adeegihii weydiiyay haddii uu isagu sameeyay cuntada, ka hor inta aanu dalban ketchup.

Cole Palmer Oo Ganacsi Cusub Bilaabay

Dhanka kale, Palmer ayaa sidoo kale galay dhinaca ganacsiga, isaga oo bilaabay shirkad baraf ah oo lagu magacaabo “Cole’d Ice.” Xiddiga Chelsea ayaa sheegay in ganacsigu uu siinayo wax uu ku mashquulo marka aanu ku jirin hawlaha kubadda cagta, isla markaana uu doonayo inuu taageerayaashiisa wax cusub ugu soo celiyo.

Palmer Oo Rajaynaya Inuu Ku Soo Laabto Xulka England

Palmer ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladdiisa xulka England, xilli taageerayaal badan ay ka cadhodeen markii laga reebay xulka England ee Koobka Adduunka. Si kastaba ha ahaatee, xiddiga Chelsea ayaa rajo ka qaba inuu mar kale qayb ka noqdo qorshaha xulka England bisha soo socota, isagoo doonaya inuu bandhig wanaagsan sameeyo si uu booskiisa uga soo ceshado xulka qaranka.