Gyökeres iyo Leão Oo Gilgilaya Suuqa Kala Iibsiga: Barcelona Oo Si Weyn Uga Dhex Muuqanaysa Suuqa

0
10

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa galay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, iyadoo kooxaha waaweyn ee Yurub ay dardargelinayaan qorshayaashooda. Barcelona ayaa si weyn uga dhex muuqata suuqa, iyada oo illaa hadda uu xidigga  João Cancelo kusoo biiray kooxda, halka wada hadallada Xidiga Rodri iyo Kooxdu uu marayo tillaabooyinka ugu dambeeya ee ku biiristiisa.

Dhanka Viktor Gyökeres, Barcelona ayaa lala xidhiidhinayaa weeraryahanka Arsenal haddii ay ku guuldarreysato inay hesho Julián Álvarez, balse hadda ma jiraan wada-hadallo rasmi ah oo u dhexeeya labada kooxood. Arsenal ayaa weli ku kalsoon inay sii haysan doonto Gyökeres.  Bayern Munich ayaa iyaduna wada-hadallo cusub la furtay Harry Kane, iyadoo la doonayo in heshiiskiisa oo dhacaya 2027 la kordhiyo. Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya muddada heshiiska iyo qodobbada kale ee muhiimka ah.

Dhanka Gavi, wararka sheegaya inuu u wareegayo Manchester United ayaa lagu tilmaamay kuwo aan sal adag lahayn. Ciyaaryahanka ayaa doonaya inuu sii joogo Barcelona, waxaana suuragal ah in mustaqbalka laga wada hadlo heshiis cusub. Manchester United ayaa mudnaanta siisay inay hesho daafac bidix cusub, iyadoo Lewis Hall uu ka mid ahaa ciyaartoyda ay xiisaynaysay, balse Newcastle aanay doonayn inay iibiso. United sidoo kale waxay dadaal ugu jirtaa inay sii haysato kabtankeeda Bruno Fernandes, iyadoo wada-hadallo heshiis cusub ay socdaan.

Ugu dambayn, Rafael Leão ayaa weli wajahaya su’aalo ku saabsan mustaqbalkiisa AC Milan, kaddib markii kooxda ay lasoo saxiixatay Diego Moreira. Leão waxaa xiiseynaya kooxo ay ka mid yihiin Al-Hilal iyo Fenerbahçe, taasoo ka dhigtay mustaqbalkiisa mid ka mid ah arrimaha sida dhow looga sugayo maalmaha ugu dambeeya suuqa.